Ra’iisal Wasaare kheyre oo Haweenka Soomaaliyeed ugu Baaqey ka Qeyb Qaadashada La Dagaalanka Nabad Diidka Al Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay munaasabad ay Haweenka Soomaaliyeed ku taageerayeen ciidamadda qaranka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha, isla markaana ay ku muujinayeen doorkoodu ku aadan xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed inay hormuud u noqdaan dagaalka dalka looga xoreynayo ururka Al-shabaab, wuxuna xusay in haweenku ay yihiin bad-baadiyaha qaranka kaalin muuqatana ka soo qaateen halgankii xorriyadda iyo xiliyadii adkaa ee dalku soo maray.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumadda ka go’an tahay dumarku iney door fir-fircoon ku yeeshaan siyaasadda iyo go’aamada lagu hagayo dalka.

Raii’sal Wasaare kheyre ayaa  Marka Hore kala doorad siiyey haweenka iney doortaan ku Hoos Noolaanshaha Waxa uu ku sheegey dhibaatada  dalka ay ku Hayaan Al shabaab iyo iney  helaan dowlad difaacda nafsadoda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*