Dabley Al Shabaab ah Oo lagu Diley Degaan hoos taga degmada Lambar 50 Ee Gobolka Shabelaha hoose

 

Wararka ka Imaanaya Degaanka ayaa sheegaya in Laba Dabley ah oo ka tirsan Kooxda Shabaab ayaa Goor Dhow Lagu Dilay Deegaan Hoos Yimaada Degmada Lambar50 Ee Gobolka Shabeellada Hoose,

Ciidamada Amaanka ee Degmada Lambar50 ayaa Hawl Gal ay ka sameynayeen Deegaanka Daay-Alan Ku dilay Laba Dabley ah oo ka tirsan Kooxda Shabaab, Deegaanka Daay-alan ayaa ka mid ah Deegaanada Ku yaala Howdka Duleedka Degmada Lambar50 waana Deegaan Dadkii Deganaa Ay Kooxda Shabaab Ka barakicisay haatana Sida La sheegay Gambaad weyn U ah Kooxda Shabaab,

Goobta Ciidamada Amaanka ay ku dileen Dableyda Kooxda Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay iska hor-imaad Kooban ka dibna Ciidamada amaanka ay u suura Gashay in Kooxda Shabaab ay Ka dilaan Laba Dableey ah sidoo kale Ciidamada Amaanka ayaa gacanta ku soo dhigay Hubkii ay Siteen Dableyda la dilay ee Kooxda Shabaab, Hubka Ay Ciidamada Amaanka Degmada Lambar50 ay Gacanta kusoo dhigeen ayaa lagu sheegay in uu yahay Laba Qori oo AK47 ah iyo Booshash kaasoo haatan ciidamada ay ku wareejiyeen Xarunta Degmada Lambar50 ee Gobolka Shabeellada Hoose.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *