Danleyda Qaraxyada iyo Mudhaaharaatyada Oo lagu darey Al Shabaab Oo Gedigood Xiriir in uu Ka dhaxeeyo ka Muuqato :-(Akhriso)

Danleyda oo ay Fangareyso Dowlada Imaaratka Mudaaharaatyadii ay Maleegayeen Oo Salaad Cali Jeele tooshka ku ifiyey  haatan ayaa u muuqata in ay doonayaan iyagoo adeegsanaya Tuulkii Al Shabaab iyagoo si qarsoodi ah ugu jiro Ciyaarta doonayana in Shacabka Ku gumaadaan Magaalada Muqdisho.

Duulkaan ayaa Xiriir weyn waxa ay la wadaagaan Al Shabaab iyagoo markaasi doonaya in ay Majaxaabiyaan Hanaanka Dowladnimo Ee Soomaliya ka hanaqaadey iyagoo markaasi dhanwalba kaga soo duuley.

Duulkan ayaa dhexfadhiya xitaa Baarlamaanka Dowlada Federalka waxaa taasi daliil kuugu Filan iyadoo Saxaafadu laga Mamnuucay kulankii looga hadlayey Amniga laga soo dhex duubey dood markaasi dhex mareysey Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka iyo taliye ku xigeenka hey’ada sirdoonka Fahad yaasiin Su’aashuse waxay tahay yaa ka soo dusiyey warkaasi baarlamaanka Gudihiisa kulanka ayaa ahaa mid Qarsoodi ah.

Duulkaan ayaa ku Shaqeysta duulal kale Oo dhex yaacaya Baraha bulshada kana shaqeynaya siddii la’isaga horkeeni lahaa Shacabka iyo Dowlada iyo waliba Shacabka Gudihiisa dowga kaliya ay wataan ayaa ah in Burbur kale loo Celiyo Soomaaliya Markale.

Qaraxyadaan la Abaabulaayo ayaa ku soo aadaya markii uu fashilmey Mudaaharaadyada la maleegayey iayagoo markaasi qiilal u raadinaya Amniga in dowlada laga soo galo markale iyadoo dowlada iyo hey’adaha Amnigu Sugayaan Amaanka Magaalada Muqdisho.

Cadaawada Danleyda Shacabka Soomaliyeed u qabaan ayaa ah mid ku Gaamurtey mudobadan doonayaana in si xoog iyo daba gedin ku hayaan ,Gataan Badahooda iyo waliba Qeyraadka wadanku leeyahay oo umada Soomaliyeed ka Qatan tahay.

Daa’uud xasan wehliye Magaalada Muqdisho

Daa’uud@gmail.com

Shaqsiga Ra’yiga iska leh ayey ku kooban tahay Aragtidiisa mana ahan mid ka turjumaayo Shabakada hareerley.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *