Maxay ka yiraahdeen Dadyoowga ka Soo jeeda Shabeelaha hoose Qasatan Magaalada Marka Kormeerkii Mas;uuliyiinta ku Sameeyeen:-(Akhriso).

Kormeerkii Gudoomiyaha Degmada Marka iyo Mas’uuliyiintii ay ku soo indha indheynayeen Goobaha Kala duwan Ee Adeegyada Bulshada ayaa waxaa aad loogu hadal hayey kormeerkan Cisbitaalka iyo goobaha kaleba Baraha Bulshada.

Hadaba waxaa leysku dhaafsanayey fikrado kala duwan waxaanu idiin soo gudbin doonaa sida shacabku ay ra’yigooda ku Cabirayeen.

(Cabdiraxim Maxmed Cabdi Hayle)===Masha Allah shaqo wacan gudomiye

(Mohamed Daroish)====Guulayso Waafow geesi waxaa tahay summada halganka shabeelaha hoose, Viva Waafow

(Mohamed Mursal )===Waa Talaabo bilow wanaagsan u noqoneysa Dib u soo nooleynta Adeegyada Asaasiga ee Bulshada degmada marka Iyo Degaannada Ku xeeran. Adeegyadii Asaasiga waxay Burbursanaayeen Mudda dhowr sana ah. Sidaa darteed mud. Cabdullahi waxaan ka fileynaa Isbadal Iyo wax qabad Muuqda. Waxaan an Ku talinayaa Halbeeg in loo sameeyo Dib isoo nooleynta Adeeggyada Bulsho Iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee in Muddo ah ba Burbursanaa. Waa in loo Gurmadaa Degmada Marka Guud ahaan Dowlad Iyo shicib Dumar Iyo Rag dal joog Iyo dibad joog si loo GarGaaro Dadka ay dagaallada Iyo dhibaatooyinka badan soo Ragaadiyeen. Dadka Reer Markow LA shaqeeya Maamulka Cusub Dadka xun xun na halla iska jiro Ee ka naxaya Horumarka Degmada Marka Iyo Guud ahaan G.sh Hoose.

(Qaali Khadar Gacaney)=== Waa guul gudoomiye soo dhawaaw waxaan kaa rabnaa isbedel iyo wax la taaban karo dhalinyaradana garabkaada mahadsanid

(Cabdulaahi Sheeq Xassan )===Guddooniye C/laahi  Waafow Noolow

(Mahad Abdullaahi Hassan)=== Mashaa allah waa Guul usoo hoyatay reer marka

(Cusmaan Cabdi Laahi)=== Shaqoo wacan ban uu rajeey nayaa, Gacmo wada jir beey wax kuu qabtan Shacabka iyo masuuliyiintu ma kala marmaan ee insha aalh is garabsada #cidnahnimamaqna #ceelnahniimqodnaa ee is garabsada oo wax qabsada insha aalh.

(Jb Jââbîrkeygâ Cáânshâqâ )===Gadoomiye horey usoco waa talaabo mu hiim u ah Deg.marko

(Xassan Walaal)=== Waaa guul u soo hoyatay reer #marka #cadeey @#minaaw @#ismaan

(Xaawo Luul Maxamed)=== Msh allh abaaba waafoow horumar wacan.

 Intaasi waxay ahaayeen sida wanaagsan Ee shacabku Ra’yigooda ku Cabirayeen kormeerkii Mas;uuliyiintu ku tageen Cisbitaalka iyo Goobaha kale Ee Asaasiga Adeegyada Bulshada loogu Sameeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *