(Warbixin):-Xasuuqii habeenhore ka dhacay kaawo Godey Ee Degaanka Degmada Madiino

Waxaa habeenhore Xasuuq wadareed uu ka dhacay Xaafadda Kaawa Godey Degmada Wadajir Ee Gobolka Banaadir,

Qoys ka mid ah Qoysaska qadiimiga ku ah Xaafada Kaawa Godey ayaa habeenimo lagu qaaday Weerar, kaasoo ay ku Geeriyoodeen ilaa Shan Qof halka 4-kalana dhaawacyo halis ah uu ka soo gaaray Weerarka,

HADABA MUXUU YAHAY WEERARKA?

Weerarkaan lagu qaaday Dadkaan rayidka ah ayaa la sheegayaa in uu yahay Weerar ku saleysan Aano Qabiil Kaasoo mudooyinkaanba ka jiray Gobolka Shabeellada Hoose,

HADABA DAGAAL QABIIL OO KA JIRA MEEL KA BAXSAN XAMAR MAXAA KEENAY XAMAR?

Dagaal ku saleysan Dhul Balaarsi ayaa mudooyinkaanba ka jiray Gobolka Shabeellada Hoose, Dadka Deegaanadaasi ayaa ku howlan Dagaal ay uga hortagayaan Dhul boob ay wadaan Dad Gobol kale Kasoo duulay, Qabiilka Reerka xalay la xasuuqay ayaa ku sheegay sababta Xamar loogu soo wareejiyay Colaadda Qabiil in ay tahay Mooryaan dhul boob ka wadday deegaanadooda oo ay ka soo ceeriyeen Markii laga soo adkaanay Naf ka soo raadiyay Magaalada Muqdisho,

HADABA YAA WEERARAY QOYSKAAN?

Dadka weerarey Qoyskaan ayaa ku reer ah Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada uu weerarka ka dhacay,

HADABA MAXAA KASOO BAXAY WEERARKA?

Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir iyo saraakiisha Booliska Gobolka Banaadir ayaa Amarro Dul Dhigay Labada Mas’uul ee kala maamula Wadajir iyo Dharkeynley kaasoo ah in Si deg deg ah ay usoo qabtaan Raggii geystay Falkaan Arxan Darrada ah,

HADABA MAXAA KA SOO BIXI KARA AMARADAAN?

Muddo laga joogo wax ka yar 9-bilood ayaa waxaa Qof shacab ah sidaanoo kale Gardarro loogu dilay Degmada Wadajir xaafada Kaawa Godey Meel aan ka fogeyn Goobta Xalay uu xasuuqu ka dhacay, Qofka la dilay wuxuu ahaa Qof shacab ah oo ku ganacsanayay Jaayga waxaana Dilay Askari Ku heyb ah Mas’uuliyiinta Degmada wadajir, Dilkaasi ayaa isaguna Sidoo kale ahaa Mid la mid ah Kii habeenhore oo ahaa Aano qabiil Ka jirta Shabeellada Hoose, Dilka Qofkaasi shacabka ahaa Gudoomiyaha Degmada wadajir ayaa Tegay Tacsida Marxuumkaasi wuxuuna balan qaaday in uu soo qaban doono Gacan ku dhiiglaha dilka geestey Maaweelooyin dheer ka dib wuxuu yiri Gudoomiyuhu “Raali ahaada Ninka Waa Mooryaan Weyn oo Kaaraan iyo meelo badan wax kusoo dilay sidaas darteed waan soo qaban weynay”, taasi oo micnaheedu yahay waxaan nahay Qaraabo ee lama dilayo Ee cafiya oo qasab ah, Sidii ayaana looga Gudbay dhacdadaasi Gacan ku dhiiglahana wuxuu dhex mushaaxaya Magaalada Muqdisho,

Inta badan Qabaa’ilada Soomaaliyeed waxaa lagu yaqaanaa markii dhacdo noocaan oo kale ah lagu sameeyo in ay yiraahdaan “Tol Beelayeey Hadaan aargudan weyno Gabadheenu Guur male”.

Sidoo kale waxayqabiilku ku aarsadaan Dhacdo ka xun Tii iyaga lagu sameeyay, Qabiilka sida joogtada ah loogu Dilayo Magaalada Muqdisho laguma arag isagoo ka fal celinayo Falalkaan Arxan Darrada ah ee sida Joogtada ah Loogu sameynayo taasoo soomaalidu ay yiraahdaan Qoladii Fal xun hadii lagu sameeyo aanan ka fal celin Gabadhoodu Guur Male,

Waxaa Xusid mudan Qabiilkaan lagu Xasuuqayo xamar in ay Kumanaan Askari ah ka joogaan Magaalada Muqdisho Hadana lagama hayo in laba mid ay sameeyaan in Gabi ahaan Dhalinyaradooda ay Dawladda kala baxaan ama in Dhacdooyinkaan oo kale ay ka fal celiyaan Hadaba soo lama dhihi karo Gabadhoodu Guur male?

Ugu Dambeyn, Dadku waa is yaqaanaa Reerka Xasuuqa Geystay Wey Ogyihiin ama wey yaqaaniin Ragga Falkii xalay dhacay Geystay hadii loo dhaba galana waa lasoo qaban karaa lkn Arintaan hada laleeyahay waa la soo qabanayaa ama waa lagu daba Joogaa soo la isma dhihi karo waa maaweeladii horey oo kale ugu dambeynna laga soo saaray Mooryaan weyn ayuu ahaa waana la qaban waayay?

HADABA DHAQANKII SOOMAALIYEED EE AHAA GABADHEENU GUUR MALE IN LA SEEGAY SOO ISKAMA CADA.

BY/TV-GA SHABEELLADA HOOSE.

Shaqsiga Ra’yiga iska leh ayey ku kooban tahay Aragtidiisa mana ahan mid ka turjumaayo Shabakada hareerley.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *