Barnaamijka Isdhaxgalka Daljoog iyo Dibadjoog Xaalkiisu Muxuu ku Saleysan yahay?:-(Akhriso)

Pro Yaxye ayaa ka hadley qurba jooga qaar waa sida uu ugu yeerey Qurbajoog Doolar jecel Oo aanan waxyaabo badanba ku soo kordhining Mujtamaca Soomaliyeed.

Profeysarka ayaa sidoo kale sheegey barnaamijka isdhexgalka Daljooga iyo Dibadjooga Oo ay hormuudka ka tahay wasaarada Arimaha Dibada DFS isagoona ku tilmaamey in Barnaamijkaan aanan Wadanka Soomaliya iyo dad Soomaliyeed Oo isku diin ah iskudhaqan ah aanan arintaani ku Wanaagsaney.

Lakiinse Pro -yaxye ayaa xusey in laga yaabee Caruurta aanan isku dhaqanka aheyn midna ku soo korey in  looga Sheekeeyo Araweelo midka kalena ku soo korey in looga sheekeyo Tom an jerry in ay u baahdaan Mustaqbalka Barnaamijkaan taasoo ah mid xaqiiqda ku saleysan .

Barnaamijkaan Oo ay Dibadjooga iyo Daljooguba sii bilaabeen ayaa ah mid ay ku doonayaan sidii ay iskulafalgali lahaayeen labadaan jiil midna daljooga ah iyo midka kalena Dibadjoog ah Oo ku baahey Dunida oo dhan kalana sita luqado kala duwan dhaqano kala gaar ah oo ay badankoodana Luqada Soomaliga ku yar tahay  ahna dhalinyaro Soomaaliyeed una baahan wadankooda Mustaqbalka.

Barnaamijkaan ayaa ah mid ay u baahanyihiin dibadjooga ku kala baahey dunida Daafaheeda waxaana ula jeedaa dhalinta Soomaliyeed Ee ayagu Markaasi luqadaha iyo dhaqnada kala duwan ku korey Ee luqadoodii hooyo lumiyey hadaba sidee bey ku wada Shaqeyn karaan iskuna fahmi karaan haddii ay dhulkooda hooyo ku laabtaan taasi Oo ah xaqiiqada jirta pro-yaxyena qirey.

Ajendaha kale Ee Jiilkaan u Wanaagsan ayaa ah in laga maro dhanka Isboortiga lana keeno Wadanka si markaasi loo jecleysiiyo loona tuso in ay leeyihiin Wadan Waloow Xaaladaba aysan aheyn mid cagabuuran ku taagan.

Barnaamijkaan ayaa ah mid wax u taraaya jiilka Cusub Ee ku kala baahsan Aduunyada daafaheeda Soomalina ah iyo kuwa Daljooga ah Oo iyaga Markaasi Mas’uuliyad weyn ka saran Tahay sidii ay dib uga dhisi lahaayeen dhaqankooda iyo waliba luqadooda hooyo dibna u soomaaliyeen lahaayeen.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *