(Maqaal):-Shirka Garoowe ee lagu kala kacay!

Laba sano ka hor maanta oo kale waa 2 bil ka dib doorashadii Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo magaalada London waxaa ka furmay shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayey oo dawlada Britain abaabulkiisa laheyd.

Shirkaas waxaa ka soo qayb galay madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaa lagu sheegay ajandaha sidii Soomaaliya loo kaalmeyn lahaa looguna taageeri lahaa in “Soomaalidu ka shaqeeyaan si dhab ah in dalkoodu cagihiisa ku istaago”. Taas waxaa loola jeeday in “Waa dhaliil dhafoorkey ku taal’e” madaxda Soomaalidu heshiiyaan oo danta dalkooda ka wadashaqeeyaan iyadoo lagu wadashaqeynayo siyaasad loo dhan yahay, awood qaybsi siyaasadeed, dhaqaale & mid ciidan.

Waxaa shirka ka muuqday inkastoo ay aheyd isfeer orod “xal la biday” rag Soomaaliyeed oo ugu yaraan 5 ah nin kastaa wata magaca Madaxweyne.

Qodobaddii maalinkaas shirka sida weyn loogu faaqiday waxaa ka mid ahaa dhismaha ciidan qaran oo 18 kun ka kooban oo lix kunba ka socota maamul goboleedyada, la isku daro lagana dhigo ciidan qaran oo Soomaaliyeed.

Dhammaan qodobaddaas laba sano ka dib iyadoo mugdi ku jiro qabsoomida doorashooyinka 2020/21 iskaba daa fulinta kuwii kale ayaa Garoowe maanta waxaa ku soo ildaalay “fashil” shirkii hogaamiyeyaasha Soomaalida.

Marka laga tago ereyada xanafta leh iyo iseedeynta la isku eedeynayo natiijo la’aanta shirka waxaan dood ka jirin in sababaha ugu weyn ee la isku mari waayey ay ugu wacan tahay “damac siyaasadeed, sadbursi, taydu ha socoto, dan shakhsi” oo dhamaantood ku biyo shubanaya doorashooyinka Galmudug, Puntland iyo Dawlada dhexe.

Shacabku uma baahna jagwareerin iyo indho sarcaadid wax kasta waxay u muuqdaan sida cadceed cirka bartankiisa ka muuqata.

Waxaan shaki ku jirin in madaxda Soomaalida ha ahaadaan dawlada federaalka iyo maamul goboleedyada ay ku horkufeen ummadda Soomaaliyeed iyagoo garan waayey inay u tanaasulaan dalkan iyo dadkan ay isugu darsameen darxumada dagaal iyo khilaafka siyaasadeed.

Haddaba eedda ay leeyihiin siyaasiyiinta Soomaaliyeed ma ogyihiin mise bilaa macno ayaa faraha loogu fiiqayaa?

Su’aashaas inta aan u gudbin bal sheekadan kooban ila dhuux.

Hadda ka hor waxaa jiray nin waalan oo diidi jiray in uu waallan yahay balse maalin kasta markuu dariiqa marayo ciyaalku dhagax ka daba qaataan iyagoo ku qayllinaya “Wuu waallan yahay wuu waallan yahay” “ninka waalan”. Haddii uu damco in uu ciyaalka dhagaxooda ka gambado oo uu dadka waa weyn u yimaadana waxaa lagu yiraahdaa “waa ninkii waalnaa, naga daaya warkiisa iyo waa kii waalnnaa”.

Maalinkii dambe ayuu soo istaagay geed ay dad badan harsanayeen isagoo xaggiisa la soo wada eegayo ayuu yiri “Inaan waallan waxaan ku ogaaday waxa dadka oo dhan farta iiggu soo fiiqayaan”.

Taasina waxay ka dhigan tahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed haddii aanay eedda laheyn yaa kaloo faraha lagu fiiqi lahaa?

Madaxda Soomaalida ee Garoowe inta fadhiyeen 8-da maalmood oo haddana iyagoo ku heshiiyey inaanay heshiin ku kala kacay talow aduunka meelaha dagaaladu ka dhaceen sida loo xaliyey may cilmi kororsi u aadaan?

Bal u fiirso dalka Bosnia oo ka mid ahaa Yugoslavia-dii hore waxaa ku dagaalay oo colaad mindhiciro goys ah oo aan Soomaaliya ka dhicin uu dhexmaray dadka wadankaas ee kala cirqiga iyo diinta duwan waana Muslimiinta, Seerbiyiinta iyo Korooshiinta.

Hal magaalo oo ah Srebrenica bishii July 1995 xasuuq ka dhacay waxaa lagu laayey 8 kun oo badankoodu ahaa rag ay ka mid aheeyeen wiilal yar yar.

Dagaaladii ka dhacay Bosnia waxaa laga gaaray xal siyaasadeed iyo mid bulsho oo ay hormuud ka ahaayeen siyaasiyiin ay ka go’neyd nabad iyo horumar lagu badalo colaadda iyo nacaybka.

Haddii ay heshiiyiin waayeen madaxda Soomaalida macnuhu sow ma ahan in ku sii socon doonno jidkii qodxaha badnaa ee aynu markhaatiga ka aheyn ee shisheeyuhu u kala dabqaadi jireen Soomaalida?

Waad ku mahadsantahay akhrinta qormada.

Qalinka qoraa sare: Mowliid Xaaji Cabdi.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *