(Dhageyso):-Gudoomiyha Gobolka shabeelaha hoose oo sheegey in dib u dajin u Sameyn doonaan Shacabka Gobolka.

Gudoomiyha Gobolka iyo Wafdi uu hogaaminayey ayaa  ka Ambabaxay Shaleyto  deegaanada Sabiib iyo Caanoole isagoona gudodomiyaha safarkiisa ay ku wehlinaya Senator Xuseen Cali Xaaji Oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare iyo hay’ado kale oo Caalami ah kuwaas Oo gaarey Magaalada Marka.

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhaweyn diiran ay kala kulmeen Maamulka Cusub Ee Magaalada Marka iyagoona markaasi soo indha indheeyey Goobo kala duwan oo dowladu leedahay oo markaasi uu burbur iyo dayactir xumo ka muuqatey .

Gudoomiyaha Gobolka Ibaraahim Aaadan Cali (Najax) oo warbaahinta lahadley ayaa marka hore ugu mahad celiyey Maamulka Cusub iyo howsha wanaagsan ee ay halkaasi ka wadaan  ibaraahim Aadan Cali ayaa sidaa oo kale sheegey in ay Magaaladu ay ku talaabsatey horumar la taaban karo ayna sidoo kale ku garab taagan yihiin maamulka.

Gudoomiyaha Gobolka  ayaa Sheegey in ay ka jawaabayeen baaqyo badan oo ka imaanayey Odayaasha dhaqanka iyo waliba Maamulka Cusub ee Magaalada,

Gudoomiyaha Gobolka ayaa Sheegey in magaaladu laheyd iskuulaad badan lakiin kuwaas oo dagaaladu Aafeyeen iyadoona halkaasi ay ka baxdey dhankii Waxbarashada ayna ku dadaali doonaan in ay dib u soo celin doonaan dhalinyarada halkaasi ku dhaqana ay heli doonaan waxbarasho lacag la’aan ah.

Ugu danbeena Gudoomiyaha Gobolka ayaa sheegey in ay dib u dajin u sameyn doonaan shacabka ka barakacay magaalada marka iyo guud ahaanba Gobolka waa sida uu hadalka u yiriye.

Halkan hoose ka dhageyso

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose oo yiri”Waxaan dib u dajin u sameyn doonaa shacabka ka soo barakacay magaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *