(Dhageyso):-Sanetar Xuseen Cali Xaaji Oo Baaq u Direy DF iyo Maamulka K/Galbeed.

Xili horumar la taaban karo uu ka jiro Xarunta Gobolka Shabeelaha hoose ayaa  waxaa iska daba Gaarayey mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Maamulka K/Galbeed iyo kuwa  Dowlada Federalka Soomaliya iyo hey’ado Caalami ahba.

Waxaase Shaley halkaasi wafdiga gaarey qeyb ka ahaa Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan Aqalka Sare Federalka Soomaliya oo isgana ah Xildhibaan ka soo jeeda Magaalaada Marka.

Sanetar Xuseen ayaa warbaahinta la Hadley isagoo sidoo kalena Baaq dheer u direy Dowlada federalka iyo tan Maamulka K/Galbeed isagoona ugu baaqey in Magaalada Go’doonka dhanka labada wadooyin ee gala magaalada marka la furo isagoo sidoo kalena ugu baaqeyn in gurmad lala soo gaaro Shacabka ku dhaqan Magaalada Marka.

Senaterka ayaa sidoo kalena ugu baaqey Madaxda ka soo jeeda Gobolka amaba gaar ahaab magaalada marka ay ku soo laabtaan Magaalooyinkooda una Adeegaan shacabka mas’uuliyada loogu igmadey.

Madaxda laga soo doorto degaanada shabeelaha hoose Ayaan looga baran dhacdooyin sidaan oo kale ah haddii ay jirtana waa kuwa nadir ku ah.

Ugu dabeena Sanetar Xuseen Cali xaaji ayaa ugu baaqey sidoo kale shacabka ka soo jeeda Magaalada Marka Gudaha iyo Dibadaba in ay u soo gurmadaan Magaaladooda kuna soo laabtaan horumariyaana Magaaladooda .

Halkaan hoose ka dhageyso

 

 

 

 

 

Senatar Xuseen Cali Xaaji Oo ugu Baaqey Dowlada Federalka iyo Maamulka isbaheysiga K/Galbeed in ay Jiraan Go’doon dhanka Jidadka at Shabaabku ku hayaan dhaqan looga qaado Bulshada ku dhaqan Magaalada Marka isagoo sidoo kalena ugu Baaqey Siyaasiyiinta la soo jeeda Gobolka Shabeelaha hoose ay ku soo noqdaan degaanadooda Shacabkoodana u Adeegaan waa sida uu yiri sanetarkuye iyo isagoo sidoo kale baaq u direy Shacabka ka soo jeeda Magaalada Marka gudaha iyo dibadaba ay ku soo laabtaan Magaaladooda una shaqeeyaan horumarsadaana….

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *