Ciidamada Dowlada iyo Kooxda Al Shabaab Oo Dagaal ku dhexmarey Degaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose

Kooxda Alshabaab ayaa xalay weerar gaadmo ah ku qaaday deegaanka Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.

Alshabaab ayaa deegaanka Bariire kasoo weeraray jihooyin kala gadisan. ciidanka Dawladda ayaa jabiyay Alshabaabkii weerarka soo qaaday ayagoo eryaday masaafo dheer oo ka baxsan difaacyadii ay ku jireen.

Sida Warqaabhinta Qaranka uu uxaqiijiyay Gen. Odawaa Yuusuf Raage Alshaabaab ayaa halkaa looga dilay 14 askari, waxaana laga furtay hub fara bada.

Deegaanka Bariire waa deegaan istiraatiiji ah, waxaana maalmo kahor la wareegay Ciidanka Dawladda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *