Gudoomiyaha Xisbiga Geeska Habiil Cabdi Oo Geeska Geliyey Taariikhda la baal marey:-(Akhriso)

 

Taariikhda Somaliya Ee Talyaaniga Markhaati baanu u haynaa in 150kun ku dhinteen ayaa soo hadal qaada xabaalaha shuhadada Ee Shabeelada hoose raga ku aasan!!!Soomali ma ahayn miyaa ragaas?????   Waa la xisaabtami doonaa goor aan fogayn.

SYL hal mid ah goob dagaal waligii laguma Sheegin mana u dhimanin xoriyad mana keenin xoriyadee Beenta Caruurta halaga daayo Somaliya xoriyadeedii dad baa usoo halgamay oo usoo dhintay kuligoodna Taariikhdoodii waxaa xabaalay Talyaaniga iyo dabadhilifyadiisii uu samaystay ee uu xukunka dalka Somaliya ku wareejiyey Shuruucdiisii bayna wali ku dhaqmaan.

SYL ma ahayn urur xornimo usoo dagaalamay ee Taariikhda Somaliya ee Talyaaniga qoray bay ka mid tahay waana Diidnay in 150kun oo halgamaa oo Somali ahaa oo usoo dhintay xoriyada Somaliya in Taariikhdooda dadkii gumaystaha u shaqaynayey lasiiyo.

Taariikhdii Gumaystuhu qiray ayey Labadaasi beelood Ee Talyaaniga u Adeegi jiray xitaa diidanyihiin inay Somalinimo Xitaa u qadariyaan waa maxay wadaniyada iyo somalinimada naloo Sheeganayo hadiiba Taariikhdii ugu Qiimaha badnayd Somaliya ee halgankii Biimaal hogaaminayeen la dafirsan yahay oo halgankii magaciisii SYL oon Waligood meel Talyaaniga lagu laayey ama lagula dagaalamay aan joogin dhiig iyo dhaqaale toona ku bixinin xoriyad Oo kuligood Xafiisyada ay ku shaqaynayeen uu Gumaystihii yurub siiyey oo Talyaaniga uu soo saaray liiska uu u Aqoonsanyahay inay xoriyada Somaliya gaadhsiiyaan liiskiibaa 13 wiil oo uu Talyaaniga soo xushay nala hor wad wadaa warhooy hanalaga daayo cayda iyo godobta nalaga galayo ee Taariikhda Somaliya Beenta looga qorayo waanu haynaa Cadaymihii Gumaysiga dadkii Somaliya kula dagaalamay Talyaaniga.

Somaliya wali Gumaysigii baa loo Adeegayaa inta taariikhda halgamayaasha la aasayo.

No photo description available.

Image may contain: one or more people, outdoor and text

Gudoomiyaha H.A.A.G ahna madaxweynaha shacabka geeska afrika ee somaliyeed.

Eschatologist philosopher

Haabiil cabdi haybe.

Shaqsiga Ra’yiga iska leh ayey ku kooban tahay Aragtidiisa mana ahan mid ka turjumaayo Shabakada hareerley.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *