Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose Oo kulan la qaatey hey’ado Caalami ah Oo ku shaqo leh Gargaarka iyo Xasilinta Soomaliya:-(Sawiro)

Shir looga hadlayay Sidii loo Caawin Lahaa Shacabka ku dhaqan Deegaanada Dhawaan lagala Wareegay Kooxda Shabaab ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho,

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb Galay Mas’uuliyiin Ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose, Safaarado, iyo hay’ado Caalami ah oo ka shaqeeya Gargaarka iyo Xasilinta Soomaaliya,

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose Ibraahim Aadan Cali-Najah ayaa shir gudoominyay Kulanka, waxaana si gooni ah Diiradda loogu saarayay sidii loo caawin lahaa shacabka shabeellada Hoose gaar ahaan meelaha laga xoreyay kooxda shabaab sida Sabiid iyo caanoole,

Gudoomiye Najax ayaa Mudooyinkaanba ku hawlan Dar-dar gelinta Caawinaada Shacabka ku dhaqan deegaanada Dhawaan Laga Xoreeyay Kooxda Shabaab iyo Xasilinta Amnigooda sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhawaan ay rajeynayaan in guud ahaan Gobolka lagu soo celin Doona Gacanta Dawladda Somalia,

Image may contain: 4 people, people sitting and indoor

Image may contain: people sitting, table and indoor

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 4 people, people sitting and indoor

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *