(Akhriso):- Afgooye Malahan Maamul U Adeegaa Ee Waxay Leedahay Maamul ka Adeegta.

Degmada afgoye ayaa ah Degmo ka Tirsan Gobolka Shabeelaha hoose malahan Maamul u adeega ee waxay leedahay maamul ka adeegta biyaha roobka ayaa dhex Ceegaaga wadooyinka oo idli majirto hal wado oo nadiif ah lana mari karo.

Celcelis ahaan maalintii waxaa laga qaadaa Shacabka Reer Afgooye lacag dhan 15.000 (Shan iyo tobon kun oo dollar) oo lagu sheego canshuur Oo aanan Shacabka Dib loogu Celin Adeegyada Bulsho ay u baahan yihiin hooyada Yaanayada ku dhex gedeyso dhiiqada dhexdeeda xitaa lacag Canshuur ayaa laga qaadaa Suuqa Xoolaha sidoo kale waxaa is weydiin mudan lacagtaas xagee Aadaa mise waa laga Adeegtaa mise Shacabka ayaa loogu Adeegaa?

Maamulka Jooga halkaasi ayaa waxaa lagu Xantaa in ay Shacabka u Adeegin balse ey ka Adeegtaan Oo Jeebkooda iyo Calooshooda la Ciyaaraan.

Hadaba Afgoye waa in loo Sameeyaa maamul Shacabka u Adeega balse aan Aheyn mid Shacabka ka Adeegta,

W/Q:-Cali Xaaji

Shaqsiga Ra’yiga iska leh ayey ku kooban tahay Aragtidiisa mana ahan mid ka turjumaayo Shabakada hareerley.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *