(Dhageyso):-Gudoomiyaha Xisbiga Geeska Afrika Habiil Cabdi Heybe Oo ka Hadley Maamul u dhisida Gobolka Banaadir.

Odayaasha dhaqanka Beesha Hawiye Oo ka hadley inay dhawaan u Sameyn doonaan Maamul Gobolka Banaadir kaas oo ay ula Magac Baxeen (Banaadir State) Iyagoona  ku dhawaaqey Go’aan ka dhan ah Dowlada FS ayaa waxaa ka hadley Gudoomiyaha Xisbiga Geeska habiil Cabdi Heybe.

Gudoomiyaha Xisbiga Geeska Habiil Cabdi ayaa Sheegey in Odayaasha uu ku Taageersan yahay in Gobolka Banaadir u Sameynayaan Maamul waa sida uu hadalka  dhigey Gudoomiyaha Xisbiga lakiinse wuxuu sheegey in uusan ku taageersaneyn in la Sameynayo Maamulka Beel kaliya leedahay madaama uu sheegey in Gobolka Banaadir uu Yahay  (Banaa Dir) Oo uu Macnaheedu Yahay  Kolka loo Eego Luqada Carabiga  (Gurigii Dir).

Gudoomiye Habiil ayaa sidoo kale Ugu Baaqey In la sameeyo Maamul loo wadadhan yahay Oo aysana Cidi ka Maqeyn isagoona tilmaamey Gebi ahaan Beelaha Wada dega Gobolka Banaadir .

Habiil Cabdi Oo sidoo kale ka hadley Amni Xumada ka jirtey Gobolka Banaadir iyo kala Xernaanshaha ayaa ku Eedeeyey in ay Dowlada FS iyo Qorshe Xumada ay ku Maamushey dhanka Amaanka Gobolka Banaadir.

Halkaan hoose ka Dhageyso

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *