Gobolka Banaadir Oo in Badan Tabey Taabid Cabdi Maxamed:-(Akhriso)

Gudoomiye hore Ee Gobolka Banaadir Oo ahaa Shaqsi uu aad u Tabey Gobolka Banaadir kuna Baxay u Dagaalanka Gobolka Banaadir.

Hadaba dad badan ayaa ku Xusuusta Taabid Cabdi  Shaqsi Naxriis Badnaa Oo u Damqan jirey Shacabka Gobolka Banaadir iyo kuwa Waxyeelada ku gaaraanba Markii dhib ku dhaco.

Image result for taabid cabdi maxamed

Taabid Cabdi ayaa ahaa nin Maskax furan qadiyada looga horyimidna ay tahay tan Maanta taagan oo ah Maqaamka Magaalada Muqdisho iyo In ay Maamul Yeelato kaas Oo ah Maamul loo wada dhan Yahay oo uusan noqonin Maamul Beel Sheeganeyso .

Aniga Oo ah shaqsi ku dhashey Magaalada Muqdisho aanan aheyn shaqsi ay isku heyb yihiin Taabit lakiin Aan ku jeclaa Naxriista ku jirtey Markii ay timaado Shacabka Gobolka Banaadir.

Related image

Hadaba markii aanu is weydiiney ayaanu Garaney” taloow magaalada waxay Tabeysaa waqtigaan la joogo Taabid Cabdi Maxamed oo ahaa nin  aanan wax balwad ah laheyn oo aan la mid aheyn kuwa haatan jooga marqaanka ka kici la’a Oo shacabkiiba  hilmaamey igu sawirta uun ka badatey”

Goortaa ayay aheyd markii Qalbigeygu tabay runtiise dhalinyaarada gobolka banaadir ayaa aad u jeclaa muusana aheyn shaqsi dadka Iskala weyn oo waxa uu ahaa mid la tiiraanyooda, la Xanuusada markaasina ay ka muuqan jirtey wajigiisa.

 

Hadaba wadciga iminka uu ku jiro Gobolka Banaadir ayaa ah mid aanan indhaha laga daboolan Karin una baahan in laga hadlo Oo shacabku Ogaadaan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ee haatan joogaa  ma yahay mid Shacabka la damqada taasi waxaa aniga xageyga saaran Calaam Su’aal Oo aan waliba Arkey wax aan Maskaxdeyda Galin waayey.

W/Q:- Saadiq Axmed Xasan

Saadiq@Gmail.com

Shaqsiga Ra’yiga iska leh ayey ku kooban tahay Aragtidiisa mana ahan mid ka turjumaayo Shabakada hareerley.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *