Gudoomiyaha Magaalada Marka iyo Saraakiisha Gutada 14Oktobar Oo Soccdaal ku Marey Difaacyada Cusub Ee dhawaan Cidanka Sameytey:-(Sawiro)

Ciidamo ka tirsan Guutada 14-ka Oktoobar ayaa Maanta La dejiyay Difaacyo Cusub oo laga sameeyay Banaanka Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellada Hoose.

Gudoomiyaha Magaalada Marka iyo Qaar ka mid ah Saraakiisha Guutada 14-ka Oktoobar ayaa Galabnimadii Maanta Socdaal Lug ah ku wada maray Difaacyada Cusub ee saakay ee Saakay Aroortii la dajiyay Ciidamo Cusub oo ka tirsan Guutada 14-ka Oktoobar ee Dawladda Somalia.

Maamulka Magaalada iyo Saraakiisha 14-ka Oktoobar ee ku sugan Magaaladaasi ayaa sheegay in Ciidankaani cusub Ee lagu kordhiyay Daafaha Magaalada ay tahay in la sii kordhiyo Amniga Magaaladaasi oo haatan leh Amni Buuxa hadana la sii kordhiyo Amniga Magaalada iyo Deegaanada Ku teedsan Magaaladaasi.

Amniga Magaalada Marka ayaa haatan ah Mid si buuxda la isugu Haleyn karo, Maamulka Cusub ee Magaaladaasi iyo Saraakiisha 14-ka Oktoobar ee Dawladda Somalia ayaa si weyn U xaqiijiyay Amniga Ma jiro Wax rabshado ah amniga lid ku ah oo ka dhacay magaalada Tan iyo Markii maamulka cusub uu La wareegay Magaaladaasi.

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Image may contain: 4 people, people standing

Image may contain: one or more people and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Image may contain: 4 people, people standing

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *