Gudoomaha Gobolka Shabeelaha hoose iyo wafddi uu hogaaaminayo Oo Magaalada Marka Gaarey:-(Sawiro)

Wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Mudane Ibraahim Aadan Ali-najax ayaa maanta Gaaray Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose.

Gudoomiye Najax ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinayay Gudoomiye Ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellada Hoose Cabdifataax Xaaji Cabdulle iyo Gudoomiyaha Ururka haweenka Gobolka Shabeellada Hoose Maryan Wiilo,

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Ceel-jaale ee Magaalada Marka kusoo dhaweeyay Kumanaan Qofood Oo Shacab ah iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka iyo Maamulka Magaalada Marka.

Safarka Gudoomiye Najax uu ku gaaray Magaalada Marka ayaa lagu soo waramayaa in uu yahay Qorshe lagu Hormarinayo Magaalada Marka iyo Maamulkeeda.

Dad weyne Fara badan oo Shacabka Magaalada Marka ah ayaa Wadooyinka soo Buux dhaafiyay iyagoo ereyada Hal ku dheggooduna ahaa “Gudoomiye Najax magaaladaada ku soo dhowoow” Gudoomiye Najax oo fagaaraha Kula Hadlay Dadweynahaasi ayaa Bulsho weynta Magaalada Marka ku dhiiro Geliyay in ay la shaqeeyaan Maamulkooda sidoo kalana Ay ka shaqeeyaan Soo celinta Bilicda iyo Quruxdii lagu yaqiinay Magaaladaasi,

Gudoomiye Najax iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa lagu soo waramayaa in Caawa ay ku hoyanayaan Magaalada Marka sidoo kalana ay joogayaan Muddo ku dhow Isbuuc oo halkaasi la sheegay in ayka qabanayaan Howlo Amniyadeed iyo Mod Horumarineed.

Image may contain: 3 people, people smiling, outdoor

Image may contain: 4 people, people standing and outdoor

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing, beard and outdoor

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing, mountain, outdoor and nature

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 5 people, people standing and outdoor

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *