Hogaamiyaha K/Galbeed Oo dib ugu laabtay Baydhabo digniina diray:-(Sawiro)

Wafdi uu hogaaminaayo Hogaamiyaha  K/Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta dib ugu soo laabtey Magalada Baydhabo,Xili uu Cimro u aadey Magaalada Barakeysan Ee Makkah ,

Hogaamiyaha Iyo Wafdigiisa ayaa waxa goroonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo Ku soo dhaweyayay,Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed oo ugu horeeyo Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada koonfur Galbeed Soomaaliya,Wasiiro,Xildhibaano ,odayaasha dhaqanka, qeybaha kala Duwan Ee saraakiisha Ciidamada ,iyo Ururada Bulshada Ra’idka Magaalada Baydhabo Ee xaruunta Gobolka Baay,

Intaasi ka dib Hogaamiyaha  aya Waxa loo soo Galbiyay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ,halkaasi oo Kullan is xog wareysi ah kula qaatey ,Gollaha wasiirada Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya ,

Ugu Horen waxaa halkaasi ka Hadley Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye,isagoona Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ku soo dhaweyay Magaalada Baydhabo.

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafat-gareen ,ayaa waxaa uu ka Hadley Safarkiisa uu uga Maqana dalka sucuudi carabiya ,waxaa una sheegey in kani uu ka duwan yahay safaradii shaqo la aadi jirey , Safarkan aan u aadney Cimro,Waxaan usoo duceyay Dhamaan Mas’uulyiinta Koonfur Galbeed oo ugu Horeeyo Gudoomiyaha Gollaha wakiilada kg, isagoona sido kale uu sheegey in uu soo duceyay Kuwa Baraha Bulshada dhibaatada iyo Bur Burka Dowlad ka wada waxana Alle uga bariyeyaa in uu soo hanuuniyo ayuu ku sii darey.

Mudane C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya , ayaa wax marnaba la aqbali Karin ku tilmaamey ,in Qof shacabka Ah Wax galabsan la dilo oo dilo Askari Shacabka Amnigiisa Ilaalin lahaa Qofkii Qof dila Waa ladilaa ayuu Yiri’ Madaxweyne C/Casiis.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *