Mudaaharaatyo ka Socda Magaalada Baladweyne:(Sawiro)

Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka socda Banaanbax looga soo horjeedo Hogaamiyaha Maamulka Hir-Shabelele laguna taageerayo guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)

Dadweynaha ku nool Magalada Badankood ayaa banaanbaxaas ka qeyb galaya, iyaga oo wata boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ka mid yihiin ( KA DHIIDHI DHIBAATADA HIR-SHABLLE KU HEYSO GOBOLKA HIIRAAN).

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay dhagxaan waaweyn ku  xireen wadooyinka qaar ee Magalada Baladweyne, iyaga oo ku dhawaaqaya Erayo ay ku taageerayaan guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan.

Wariyeyaal ku sugan Magalada Baladweyne ayaa waxa ay soo sheegayaan in banaanbaxa uu saameyn weyn ku yeeshay goobaha Ganacsiga qaar ee Magalada Baladweyne oo Maanta xiran.

Tan iyo Markii Hogaamyaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare u sheegay in uu xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa waxaa xiisad kacsanaan ah laga dareemaya Magaalda Baladweyne, iyada oo Dabageed uu xil ka qaadistiisa uu ku tilmaamay Sharcidarro.

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *