(Daawo):-Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Magalada Muqdisho Oo Fashil dhex jiifa .

Akhritoow Waxaanu Idiin soo badhigeynaa haatan iyo wixii ka danbeeya wararka Xaqiiqada ku Saleysan

Maamulka Gobolka Banaadir iyo heyadaha Amniga Muqdisho oo ku Fashilmey ka dib 5ruux Oo kaawa Godey lagu Xasuuqey Oo ilaa iyo haatan aanan Gacanta lagu Soo dhigin Sharif Oo ku dhaawacmeyna Docbanaan ah looga Dhaqaaqey iskadaa in wax loo Qabtee Caafimaadkiisu halis ku jiro.

Gacankudhiiglayaasha ayaa ilaa iyo haatan dhex mushaaxaya magaalada Gudaheeda iyo dilal qorsheysan Oo ilaa iyo haatan magaalada Ragaadiyey.

Haddii aan soo Qaato Sarkaal Cabdi Cali Seed Oo la Ogyahay Cidii ka Danbeysey Oo aanan ilaa iyo haatan la soo Qaban Eheladiisuna afka Furteen taasi waxay Cadeyn u tahay in lagu Fashilmey dhanka Cadaalada in ay helaan shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Halkaani Waxaan ku soo bandhgi Doonaa Shariif Oo ah dhibanii dhibka ka soo Garey Kawa Godey iyo Xaaskii Cabdi Cali Seed Oo ka hadleysa iyo sidii dhacdadu u dhacdey.

Waxaa lagu maaweelinaayo Shacabka Reer Banaadir ayaa noqotey “Shir ayaa waxaa lagu Qabtey Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir kaas Oo looga hadlayey Amniga Caasimada “

Bal shacabka ayaan u daynenaa idinkoo Xukun ku ridaaya waxa meesha ka jira iyo sida naftu qofka bini’aadamka ah loo qiima diley kaas Oo laga Doortey laba mijin Oo habeenkii lagu guro iyo subixii Oo waali lala soo koco dabadeedna Sawiro dadka loo soo bandhigo.

Kan waa Shariif Oo ah Ruux dhaawac ka soo Gaarey Xasuuq ka dhacay kaawo Godey.

Kana waa dhacdadii ka dhacdey Sheelaro iyo xaaska Cabdi Cali Seed iyo waliba sidii wax u dhaceen.

Hala soo Qabto Gacan kudhiiglayaashii Falalkaa Guracan ka Geystey Magaalada Halana Caawiyo Dhibanayaashu dhibka ka soo Gaaro Amniga aad Mas’uulaka ka Tihiin Oo aad Daayacdeen.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *