Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta safar booqasho ah ku gaaray Degmada Qoryooley:-(Sawiro)

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose mudane Ibrahim Adan Ali-Najah oo ay wehlinayaan Qaar Ka mid ah Ku xigeenadiisa ayaa maanta safar booqasho ah ku gaaray Degmada Qoryooley ee Gobolka shabeellada Hoose.

Wafdiga ayaa Duhurnimadii Maanta Ka amba Baxay Magaalada Marka oo maalinamadii Shalay ilaa xalay ay ku sugnaayeen,

Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Degamada Qoryooley ayaa Wafdiga Gudoomiye Najax Si heer sare ah u soo dhaweeyay, Gudoomiye Najax ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay Gudoomiye Ku xigeenka Siyaasadda Gobolka Shabeellada Hoose Xasan Abuukar Jimcaale, Gudoomiye Ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellada Hoose Mudane Madaale Xaaji Cabdulle, iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Shabeellada Hoose Maryan Maxamed Wiilo,

Safarka Gudoomiye Najax ee Qoryooley uu ku tagay ayaa ka mid ah Booqashooyin uu mudooyinkaaba ku tagayay Degmooyin iyo Deegaano Fara badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Image may contain: 5 people, people standing, sky, tree, outdoor and nature

Image may contain: 1 person, standing and outdoor

Image may contain: 2 people, people standing, sky, cloud and outdoor

Image may contain: one or more people, sky, outdoor and nature

Image may contain: 3 people, people standing, sky, beard, cloud and outdoor

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *