Maxaa Ka Jira Wararka Ay Daabaceen Qolooyinka Igu Shubo Ee Sheegaya in Mukhtaar Roobow Xanuunsan yahay Oo Cisbitaal La Dhigay.

Qaar ka tirsan Warbaahinta Igu Shubo ayaa warar been abuur ah isla dhex marayey baraha bulshada ay ku kulmaan kuwaasi Oo sheegay in Sheekh Mukhtaar Roobow oo xanuunsan yahay isla markaana la dhigay cisbitaalka Digfeer taasoo ah arin been oo aan wax ka jirin lakiinse Og Qofka Daabacay waxa Uu ugu dan lahaa.

Xiriiro kala duwan oo la yeelanay gudaha dalka somaliya iyo weliba shaqsiyaad qaraabo hoose la ah Sheekh Muqtaar ayaa xaqiijiyey in arintaasi aysan waxba ka jirin isla markaana uu caafimaadkiisa yahay mid aad u wanaagsan.

Inta badan wararka been abuurka ah oo ay Qolooyinka Igu Shubo ay sameynayaan qaar ayaa waxaa uu Salka ku ahayaa sidii ay ku heli lahaayeen dad badan oo booqda taasoo keentay in inta badan qoraaladooda ay noqdaan kuwo aan ku saleysneyn Xaqiiqda dhabta ah ee jirta hoosna Sida la sheegayo ay Qolooyin  kale Oo wax ku shubta in ay hoosta kala Xiriiraan .

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa in mudo ah waxaa uu si sharci daro ah ugu xiran yahay dowlada dhexe walow ay marar kala duwan isku dayeen in ay waanwaan aan soconeyn la yeeshaan sheekha taasoo uu sheekha ka door bidey in uu meeshiisa isaga jiro intuii uu qaadan lahaa go,aan ka hor imaanaya xoriyadiisa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *