Gudoomiyaha Magaalada Marka Cabdullahi Cali Axmed Oo la Kulmey Bulshada Degaanka:-(Sawiro)

Shirweyne ay isugu yimaadeen Culimaa’udiin, siyaasiyiin, Waxgarad, iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolka Shabeellada Hoose ayaa Maanta Lagu qabtay Deegaanka Ceel-jaale Degmada Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Kulanka ayaa waxaa Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Magaalada Marka Mudane Cabdullahi Cali Axmed (Waafoow) Waxaana sidoo kale Goob joog ahaa Qaar ka mid ah Ku xigeenadiisa.

Culimaa’udiinka, Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee Kulanka kasoo qeyb galay ayaa ka kala yimid magaalada Marka iyo Deegaano Dhawr ah oo ay ka mid yihiin shalanbood iyo Buufoow bacaad oo ku teedsan Magaaladaasi,

Ajandaha Kulanka ayaa ahaa in la xoojiyo isdhax-galka Bulshada Magaalada Marka iyo Deegaanada Ku teedsan iyo in si wadajir ah looga Shaqeeyo Xoojinta Amniga iyo Horumarka Magaalada Marka iyo Deegaanada Hoos Yimaada, Gudoomiyaha Magaalada Marka oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Bulshada Deegaanadaasi ay muujiyaan is dhex-gal iyo wada shaqeyn Si deegaanadaasi ay u hiigsadaan Amni, Horumar iyo Barwaaqo.

Ugu Dambeyn Ka soo qeyb galayaasha Kulanka ayaa isku afgartay in Diiradda ay wada saari doonaan Xoojinta Isdhex-galka iyo Wada shaqeynta Bulshada kala duwan ee ku dhaqan Magaalada Marka iyo Deegaanada Hoos yimaada.

Sawirka TV-ga Shabeellada Hoose.

Sawirka TV-ga Shabeellada Hoose.

 

 

Sawirka TV-ga Shabeellada Hoose.Sawirka TV-ga Shabeellada Hoose.

Sawirka TV-ga Shabeellada Hoose.

Sawirka TV-ga Shabeellada Hoose.

Sawirka TV-ga Shabeellada Hoose.

Sawirka TV-ga Shabeellada Hoose.

Sawirka TV-ga Shabeellada Hoose.

Sawirka TV-ga Shabeellada Hoose.

Sawirka TV-ga Shabeellada Hoose.

Sawirka TV-ga Shabeellada Hoose.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *