Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose Oo ka Tacsiyeey Eheladii Dadkii ku Geeriyoodey dhacdadii Xasuuqa aheyd

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa Goor u tacasiyadeeyay Dhamaan Ehelka iyo Qaraabadii ay ka geeriyoodeen Shacabkii lagu laayay Gaalkacyada Galmudug.

Gudoomiye Najax ayaa Falkaasi ku tilmaamay Fal Arxan Darro ah oo Taariikhda ay qori doonto wuxuuna Sheegay in Maamulka Galmudug iyo Shacabkooda ay uga Fadhiyaan Jawaab Deg Deg ah oo lagu Qanci Karo,

Hadalka Gudoomiyaha ayaa sidaan u dhignaa

“innaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun.

Run ahaantii waa nasiib darro tii ugu darneyd. Ilaahay ha u naxariisto dadkii xaq darrada lagu laayay ayagoo aan hubeysneyn. Madaxda maamulka Galmudug iyo shacabka reer Galmudug waxaa looga fadhiyaa in ay ka bixiyaan jawaab lagu qanci karo. Waana arrin taariikhda geli doonta oo aan marna la isaga hari doonin Markale dhamaan dhalinyaradii xaqdarada lagu dilay ilaahay ha u naxriisto, Dembiilayashaas waa in cadaalada Si Deg Deg ah loo horkeenaa waa hadii galmudug uu maamul ka jiro”.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *