(Dhageyso):-Gudoomiyaha Magaalada Marka Oo ka hadley Shir loo Qabtey Bulshada ku dhaqan Shalanbood.

Gudoomiyaha Magaalada Marka ayaa Marka ugu horesey u mahad celiyey shacabka ku dhaqan degmada Shalanbood Una sheegey Gudoomiyaha Gobolka shabeelaha hoose in cabashooyinka ka imaanaya Shacabka uu wax ka qabto.

Gudoomiye Cabdulaahi Cali Axmed (Waafoow) ayaa shacabka u sheegey in ay ka shaqeynayaan isdhaxgalka bulshada loona baahan yahay in calool fiyoobaado .

Gudoomiyaha ayaa u sheegey in reer shalanbood ka sugaayaan Gogol ka turjumeysa dadweynaha ku dhaqan magaalada Marka taas oo ku saabsan isdhexgalka bulshada.

Maamulka Shabeelaha hoose ayaa wada u kuurgalida shacabka ku dhaqan Gobolka Shabeelaha hoose Oo in mudo ahba dhibaatooyin farabadan ay ku habsadeen.

Halkaan hoose ka Dhageyso

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *