(Dhageyso):-Guoomiyaha Goboka Shabeelaha hoose Oo u Sheegey Shacabka Shalanbood in waxqabadku bilaaban doono mardhaw.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose  Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa marka hore salaamey Bushada qeybaheeda ka duwan Ee shirka ka soo qeybgaley una sharxay socdaalkiisa waxa uu ku qotamey.

Gudoomiyaha ayaa sheegey in laba arimood Oo ugu horeysa uu sameydoono kuwaas Oo uu ku sheegey in dhawaan loo dhisi doono maamulka Shalanbood xarun amaba Xafiis sida ninwalbaba u garanaayo iyo nalalka Solarka Magaalada la soo galiyey oo la sii tayeyn dono taasi waa mida koowaad mida labaad ayuu ku sheegey in la dhisi doono suuqa weyn ee magaalada kuwaasoo degdeg loo sameyn doonno.

Gudoomiyaha ayaa u sheegey shacabka in ay bilaaban doonaan bishan soo socoto july Mashaariic kala duwan oo dhan walbaba isugu jiro oo dhamaan bilicda iyo sharafta Gobolka shabeelaha hoose dib loogu soo celinaayo iyo iyaga Oo doonaya in ay abuuraan bulsho Cusub Oo la yiraahdo Shabeelaha hoose.

Gudoomiye Ibraahim ( Najax) ayaa shacabka ugu baaqey in ay maamulka la shaqeeyaan haddii buu yiri maamulka iyo shacabku is qilaafaan waxaa meeshaasi ka dhalan karta dhibaatooyin kala duwan isagoona madaxda maamulka ugu baaqey in iyaguna yihiin u adeegayaal shaacab oo ay shacabka u shaqeeyaan si  Cadaaladi ku jirto.

Maamulka Gobolka shabeelaha hoose Oo ka tirsan kan K/Galbeed  ayaa ku howlan in mashaariicyo ay ka fuliyaan Gobolka iyadoo dhanka kale Maamul Goboleedyada kale ka cabanayaan qarash xumo iyo in aaney waxba ka soo gaarin Qoondooyinka Dawlada dhexe.

Halkaan hoose ka Dhageyso

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *