(Dhageyso):-Mid ka mid ah Shacabka Shalanbood Oo Maamulka u Sheegey in Shalanbood Maamul uusan jirin

Maamulka Gobolka shabeelaha hoose oo gaary Shalanbood  ayaa Shacabka ku dhaqan Shalanbood la wadaageen baahiyaha gaarka ah ay qabaan haddii ay noqoto dhanka Beeraha ,Caafimaadka ,Nadaafada iyo waxwalba Oo ay tabanayaan.

Hadaba mid ka mid ah shacabka degmada shalanbood ayaa  runta jirta ka dhawaajiyey sheegayna in meesha huha huha aysan fa’iido laheyn shegeyna in meesha Maamul uusan ka jirin mida kale hadii uu jirana mid hal dhinac u raran uu ka jiro.

Hadaba shaqsigaan oo ka mid ah shacabka shalanbood ayaa sidoo kale sheegey in amniga xitaa uusan jirin Oo sheegey haddii la helo Maamul iskudhaf ah iyo Amniga oo la sugo dabadeedna shalanbood horey u socon karto.

Gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa soo maray Colaado aad u ragaadiyey in mudo ah una baahan in Shacabka ay helaan dib u hishiisiin dhab ah oo cadaalada ku saleysan iyadoo aanan leys Faquuqin.

Halkaan hoose ka dhageyso

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *