Hadaba Maxaa u Qabsoomey Wasiiradii Cusbaa Ee loo Magaabey K/Galbeed:-(Akhriso)

Hadaba kolkii isbedel ku yimid Maamulka K/Galbeed ayaa waxaa la Magacaabey Gole Wasiiro Cusub Oo ay shacabka ka sugayeen in ay ku soo kordhiyaan waxyaabo isbadal muuqda Oo shacabku Taaban karaan .

Haddii aanu soo Qaadno Gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaan ku aragney hal wasiir iyo wasiir ku xigeen Oo booqdey.

Hadaba Wasiirada Cusub ee K/Galbeed maxay ku soo kordhiyeen Shacabka ayaa u baahan horumar la taaban karo wasiirada qaar ayaa uun barahooda bulshada kula wadaaga shacabka waxyaabo kale Oo aanan micna ku jirin.

Wasiiradaan markii lagu dhawaaqey ayaa dhaiinyaradu K/Galbeed u riyaaqdey iyagoo markaasi u Arkaayey in ay isbadal muuqda ka sameeyaan Cariga K/Galbeed hadii ay noqoto warfaafin,shaqo,dhanka beeraha,biyaha iwm.

Hadaba shacabka ayaa idiin xisaabinaya in waxqadku muuqdo iyagoon dowlada dhexe Cambaarey ileyn Dowlada dhexe waxaa shacabka uga mas’uul ah waa Maamulka K/Galbeed Maamulkana idinka ayuu idiin igmadey Soomaliduna waxay ku maahmaahdaa” hadalyar iyo howl badan” waa taasi tan lagu najaxi karo.

Baarlamaankana Qormo ayaan ka soo qori doonaa siduu u shaqeeyaa Barlamaankani K/Galbeed ma yahay mid ka duwan kii hore.

W/Q :-Xuseen  Sadiiq Cali

Xuseen Sadiik home facebook

Shaqsiga Ra’yiga iska leh ayey ku kooban tahay Aragtidiisa mana ahan mid ka turjumaayo Shabakada hareerley.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *