(Akhriso):-Kumaa Noqon kara Gudoomiye Degmo amaba Degaan?

Gudoomiye waa kan ay Shacabkiisa Raali kaga yihiin una xilsaartaan arimaha Degmadaasi oo idil una Adeegi kara shacabkaasa dhan kasta.

Magacaabistu wax ay micno keeneyso malahan maadaama aysan shaacabka Degmada  ku nool  dooneynin midkale Oo loo soo dooro.

Hadaba gobolada iyo degmooyinka Dalka Soomaliya ayaa badanaaba waxa kuwada nool dad iyaga markaasi isku heyb ah iyo qaar kaleba oo aanan heybtaasi ka soo jeedin Ogna qofka qofka ugu howl iyo ninkarmeedsan kaas oo ay ka dhigtaan horjooge arimahooda bulsho wax ugu qabto.

Degmadaasi ayaaba dhici karta in dad isku heyb ah degen yihiin amaba iyagu ay yihiin dadka halkaasi ugu badan Oo markaasi raali ay kaga yihiin shaqsi iyagu ay doorteen,

Gudoomiyayaasha Gobolada ayaa mararka qaar iska indha tira kuna qasba shacabka qof aysan raali ka aheyn iyagoo markaasi iska Dhigaya in ay awoodu dhankooda jirto aanana Ogeyn in ay yihiin Adeegayaasha shacabka u adeega una doora waxa shacabku raali  ka yihiin.

W/Q:- Cabdacasiis Yuusuf Ali

Cabdacasiis home facebook

Shaqsiga Ra’yiga iska leh ayey ku kooban tahay Aragtidiisa mana ahan mid ka turjumaayo Shabakada hareerley.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *