Wafdi heer Federaal iyo Heer Gobol ka kooban ayaa maanta gaaray deegaanada sabiid iyo caanoole Ee Gobolka Shabeellada Hoose:-(Sawiro)

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiir Ku xigeenka Arimaha Gudaha DFS Isaaq Abow, Wasiir Ku xigeenka Amniga KGS Isaaq Cali Subug, Xildhibaan Dhalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax iyo Gudoomiye Ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Madaale Xaaji Cabdulle.

U jeeddada Safarka Mas’uuliyiintaan ay ku gaareen Deegaanadaasi ayaa lagu sheegay in ay tahay Howlo shaqo ah oo ay ka mid yihiin xarig jaridda Mashaariic lagu soo gaba gabeeyay Deegaanadaasi kuwaasi oo ay ka mid yihiin dib u dhis lagu sameeyay 70 guri oo shacab danyar ah ay leeyihiin iyo Dayactir lagu sameeyay masaajid Bur-bursanaa oo ku yaalay Deegaankaasi.

Sidoo kale Mashaariicda Xarigga laga jaray ayaa waxaa ka mid ah Leerarka Cadceedda ku shaqeeya oo laga hirgeliyay Deegaanadaasi kuwaasi oo wax badan Ku soo siyaadisay ganacsiga, bilicda, Amniga Deegaanada gaar ahaan xiliyada habeenkii.

Image may contain: 5 people, crowd and outdoor

Image may contain: 6 people, people smiling, crowd, sky and outdoor

Image may contain: 4 people, people standing, crowd and outdoor

Image may contain: 2 people, people standing, outdoor and nature

Image may contain: 2 people, people smiling, outdoor

Image may contain: one or more people and outdoor

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *