Wadahadaladii Soomaliya iyo Somaliland Oo Rajadiisu Ceel dheer ku sii dhacdey:-(Akhriso)

Waxaa maalmihii horey la’isku hayey Oo Soomalida Oo dhami ka Rajo Qabtey in Soomaliland iyo Soomaliya la bilaabo wadahadalada labada dhinac kadib markii Dowlaada FS ay ka qeyb galli waeydey iyadoo markaasi Sameysey Cudurdaar ay ka soo jeedisey kaas Oo ku aadanaa Dowlada Kenya Oo markaasi Xiisad ka dhaxeysey.

Soomali badan ayaa ku hamineysey in wadahadaladaa  meel kale lagu Qabto Oo markaasi Wadahadaladu biloowdaan waxaase soo baxay arin Xiisada labada dhinac hogweyn ku sii ridey kadib Markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi booqdey wadanka Geni kaas Oo ay Dowlada FS xiriirka u jartey

Sababta Dowlada FS ku Macneysey ayaa soomali badan ka daadagi weydey iyadoo arinkaani dood badani durba ka dhasheen.

Xadgudubka ay dowlada FS Ku Eedeysey Gani ma yahay mid loo daliishan karo arimaaha Cawad sheegey iyadoo ay jiraan Dowladaha deriska Kenya iyo Imaaraatka ayaa Sameeyey Xadgudbyo kan Gani lagu Eedeeyey ka weyn Oo aanan wax Qaraar ah laga Qaadan.

Wasaarada Arimaha Dibada ayaa ku Fashilantey in ay Qaraar ka Qaadato Oo Wadamadaan maaalin Walaba Xadgudubyada laga yaqaqsoodo Sameyayey aysan waxba ka Oran iyadoo Masaaliix Siyaasiyiin leeyihiin halkaasi ku jireen.

Waxa haatan taagan ayaa ah in aysan wada hadalo leysku soo qaadi Karin iyadoo Xiisadu haatan ka sii dartey Oo aan wadahadaladii laga Rajo qabey hogdheer ku sii dhacdey iyo is naceyb badan Oo sii Abuurmey.

W/Q :-Yaasiin Aadan

Yaasiin Aadan home Facebook

Shaqsiga Ra’yiga iska leh ayey ku kooban tahay Aragtidiisa mana ahan mid ka turjumaayo Shabakada hareerley.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *