Kooxo hubeysan Oo Wiil Ganacsade ahaa ku Diley Dalkaasi Koofur Afrika

Kooxo hubeysan ayaa Xalay gudaha dalka Koofur Afrika ku dilay Xuseen Cali Saqiir oo kamid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka ganacsada ama ku nool dalkaasi.

Mid kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Afrika ayaa Kalsantv u Xaqiijiyay Toogashada Wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Sababta loo dilay Marxuum Xuseen, Wararka qaar ayaa sheegaya in Koox hubeysan oo burcad aheyd ay damceen iney ka qaataan Moobeel uu watay, markii uu ka dhaga adeegayna inuu dhiibo Taleefoonka ay dhowr xabo ku dhufteen.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka Ganacsada gudaha dalka Koofur Afrika ayaa la kulma dilaal bareer ah oo qaarkood ku saleysan faquuq ama midab takoor la diidayo Ganacsiga Soomaalida.

Mana aha markii ugu horeysan oo dilal loo geysto Soomaalida ku nool Dalkaasi Koofur Afrika.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *