Galkacyo Oo Shabahda Magaalada Baarliin:-(Akhriso)

Magaalada Gaalkacyo Oo Shacabkeedu dhibsadeen in ay sii Ahaato Laba Qeybood Dooneyana in ay mid Noqoto.

Haddii aan Taariiqda dib ugu Noqono Gaalkacyo ayaa waxa ay xaqiiqo shabaheysaa Magaalada Baarliin Oo U Qeybsanaan jirtey waqooyi iyo baari (west iyo East)  halkaasina oo ay kala haysteen Quwadaha Naato iyo Warsow Oo markaasi ku Dagaalamayey kalana heystey labada dhinac halkaasoo amaba Dunidaba markaasi uu ka jirtey Dagaalkii Qaboobaa.

Ka dib markii la soo afjarey dagaalkii Qaboobaa ayaa barliin oo ahaan jirtey Caasimada Dalka Jarmalka ayaa dib u midoowdey haatana ah Caasimada Jarmalka.

Haddii aan dib ugu soo laabano Magaalada Gaalkacyo  ayaa laba qeybood u qeybsan shacabkeedana ay kala Maamulaan laba maamul midna Galmudug midna Puntland Oo iyaga Markaasi ah kuwo ku dagaalamey midba dhinac heysto.

Hadaba labada Maamul ee Magaalada iyadoo sharafta shacabkana ku jirto ma is raacin doonaan Oo hal Maamul mala hoosgeyn karaa si Galkacyo u midowdo mise derbi ayaa laga dhisi doonaa Oo sidii Barliin ay aheyd ayey kusii jiri doontaa taasi waa Su’aal Maamulada isku herdinaaya u taal iyo Dowlada dhexeba.

Ugu Danbeyna Magaalada Baarliin wey  midoowdey Oo waa Caasimada Dalka Jarmalka markii dagaalkii Qaboobaa dhamaadey Galkacyana waxaa haboon in ay Midoowdo.

W/Q :- Yaasiin Xaaji Cali

Yasska home Facebook

Shaqsiga Ra’yiga iska leh ayey ku kooban tahay Aragtidiisa mana ahan mid ka turjumaayo Shabakada hareerley.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *