Wararka

Wasiirka Maaliyada Maamulka K/Galbeed Oo Gaarey Degmada Afgooye:-(Sawiro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya Axmed Maxamed Xuseen ayaa Maanta Gaaray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Howlaha uu wasiirka u yimid Degmada Afgooye ayaa lagu sheegay in ay tahay Jahwareer Maalmahaanba Ka taagnaa Dhaqaala Uruurinta Maamulka Degmada Afgooye ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka careysnaa Qoondo yar oo muddo Sadex maalin ah laga jaray oo uu ka qaadan jiray Isbaarooyinka Degmada Afgooye iyo Canshuurta Degmadaasi.

Madaxda Isbaarooyinka iyo Canshuur uruurinta Degmada Afgooye ayaa Sheegay sababta ay Wasiirka Qoondada ugu jareen in ay tahay in Guud ahaan Dhaqaalaha isbaarooyiinka iyo Canshuuraha Degmada Afgooye ay Maalmahaanba ku bixinayeen Shirka Ka soconaya Hobyo, ilaa Shirkaasi uu ka soo idlaadana aanay waxba u hayn Wasiirka.

Image may contain: 3 people, people smiling, sunglasses and outdoor
Image may contain: 2 people, people smiling, people standing, tree and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Image may contain: 3 people, people smiling, people standing, tree, outdoor and nature
Image may contain: 5 people, people smiling, people standing, tree and outdoor
Image may contain: 6 people, people smiling, people standing, sky, cloud, child and outdoor
Image may contain: 4 people, people standing and outdoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *