Ra'yiga

Muxuu u booqdey Wasiirka Maaliyada Maamulka K/Galbeed Afgooye?:-(Akhriso)

Waxaa  ayaamahanba Suuqa ku jirey in Canshuuraadka laga qaado Degmada Afgooye kaas Oo Gaaraya Cadad aad u badan lagu kharashgareynayey Shirka Hobyo ka Socdo.

Degmada Afgooye ayaa waxaa laga qaadaa canshuurta qofkasta Oo markaasi Ganacsi ku heysta xitaa Canshuuraadkan ayaa laga qaadaa hooyada jida wax ku gadeysa xitaa ilaahey haka dhigee hadaba Xogtaan ayaa si hoose u yara Shaacdey ka dib ilaa Saxafiga Cabdulaahi Balwaan shaaca ka qaadey.

Hadaba Canshuuraadkan ayaa la qaadayey tan ilaa shariif Xasan hogaanka hayey iyadoona aanan ilaa iyo hada la Ogeyn waxa Canshuurtaasi loogu qabtey Shacabka ku dhaqan Degmada Afgooye.

Wasiir Beyle ayaanan wali si waji ka waji ah u wajihin Maamul Goboleedyada Wadanka taas oo haddii uu isku Dayo in uu ka hadlo qaab Uruurinta Canshuuraha Qaranka uu Wajigabax kala kulmayo hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada.

Hadaba Dowlad aanu Canshuur ka heleynin Maamulda hoose yimaada sidee bey ku fulineysaa Adeegyada Bulshada degaankaasi ku nool ilaa iyo haatan waxaanu Ognahay in Gobolka Banaadir oo kaliya Canshuuraadka laga helo waa sida Garoonka Diyaaradaha iyo Dekada Magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee Canshuuraadka Degaanada laga qaado ayaa lagu Celiyaa Oo wax loogu qabtaa Shacabka mar loogu dhiso Wado,laga Hagaajiyo dhanka Biyaha,dhanka Garoono,dhanka Bilicda Magaalada,Garoono ciyaaraha waa dhanka Isboortiga,hagaajinta kanaalada maadaama magaaladu tahay dhul beereed,dhanka Waxbarashada iwm.

Ugu Danbeyntii Canshuuraadka laga qaado Magaalo waxaa iskaleh Magaaladaasi oo ah iyada mida Xaqa u leh in lagu horumariyo.

W/Q:- Yaasiin Cali Xaaji home Facebook

Qof walba waxaa uu xor u yahay fakerkiisa taasi ma ahan mid ka turjumeysa Shabakada Hareerley  amaba ay la qabto inagu waa aan soo bandhignaa oo kaliya mana la qabno shaqsigaa fekerkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *