Wararka

Hir-Shabeelle Oo ka hadlay weerarka ka dhacay duleedka Jowhar

(Dhageyso):-Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir C/C Shakuur Oo ka Digey in Galmudug Loo dhiso Si Khaldan.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa isaga oo ku sugan Magalada Dhuusamareeb waxaa uu ka ka hadlay doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo deegaannada Galmudug iyo qorshaha lagu dhisaayo Galmudug Cusub.

Waxaa uu sheegay Siyaasiga in Dowladda Soomaaliya uu uga digayo in Maamulka Galmudug ee la dhisaayo uusan noqon mid lagu doonaayo ololaha doorasho ee 2020, hayeeshee ay noqoto mid dadka deegaanka loo dhisaayo.

“howsha la qaban doono ma mid lagu dhisaayo galmudugaa mise waa mid doorashada 2020 loo habeeyo,sanadkii 2015-kii markii la dhsiaayay doorashadii 2016koo ayaa loo dhisaayay laakin taas oo kale ma rabnyo ayuu yiri Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame”.

Deegaannada Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda diyaar garoow ku aadan dhismaah Galmudug loo dhan yahay kaas oo ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana ka hor doorashada Galmudug la qabanayaa shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug.

Saakay waaberigii hore ayay aheyd markii rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada qeybta 27aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin duleedka Jowhar,waxaana weerarkaas ka hadlay Maamulka Hir-Shabeelle.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mamulka Hir-Shabeelle Maxamed Kulmiye ayaa sheegay in weerarka ka dhacay deegaanka Cali waraabey ee Galbeedka Magaalada Jowhar lagu dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay dhaawacyo fudud soo gaareen qaar ka mid ah cidiamada Dowladda.

Waxaa uu sheegay in xilliga uu weerarka dhacayay ay Ciidamada dowladda qeybta 27aad ay wadeen diyaar garoow ku aadan howlgal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab,kaas oo laga fulin lahaa deegaano hoostaga Magalada Jowhar.

Marka laga soot ago hadalka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mamulka Hir-Shabeelle ayaa al-Shabaab oo dhankooda ka hadlay weerarkaas waxaa ay sheegeen inay mudo kooban la wareegeen saldhiga Ciidamada,isla markaana ay dileen Lix Askari.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *