Wararka

Odayaal cafis ka helay Al-shabaab oo ku xayiran duleedka Baladxaawo….

Odayaal dhaqameed ku sugan duleedka Magaalada Balad Xaawo ayaa sheegay in loo diiday in ay Magaalada galaan kaddib markii ay la soo kulmeen Al-shabaab.

Maamulka Magaalada Baladxaawo ayaa Odayaasha u diiday in ay ku soo laabtaan Magaaladaas kaddib markii ay la soo kulmeen Al-shabaab.

Odayaasha ayaa hadda ku xayiran duleedka Magaalada Baladxaawo, gaar ahaanna degaan 10km u jira Magaalada.

Odayaasha dhaqanka ee loo diiday in ay Balad xaawo galaan waxaa ka mid ah Diiriye Salaad Raagow,waxaa uu sheegay in amaankooda dartiis ay kala ula kulmeen AL-shabaab hayeeshee maamulka Baladxaawo u diiday in ay magaalada galaan.

Tiradooda ayuu ku sheegay in ay gaareyso 24 Oday dhaqameed,kuwaas oo ka baxay Balad xaawo lana soo kulmay Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa bartamihii bishii hore Odayaashii soo xulay Golayaasha Baarlamaanka ee dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay is diiwaangeliyaan,waxaana meelaha qaar iska diiwaan geliyay Odayaashaas.

Maamullada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubaland ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan odayaasha aada degaannada Al-shabaab si ay isu diiwaangeliyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *