Ciyaaraha

Neymar Oo Xiddiga Barcelona U Sheegay Qirasho Ku Saabsan Real Madrid.

Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar ayay doonayaan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona waxana la sheegayaa in uu sameeyay qirashao ku saabsan laabda kooxood ee La Liga ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsigu.

Xiddiga Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa lagu soo waramayaa in uu xiddigaha Barcelona u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Barcelona inkasta oo ay Real Madrid isku dayayso in ay hesho saxiixiisa.

Xiddiga reer Brazil ayaa go,aansaday in uu ka tago kooxda PSG inta lagu jiro suuqa xagaagan kadib markii uu ka daalay Nolosha Paris.

Barcelona ayaa mar walba ah kooxda ugu cad-cad saxiixa xiddiga laakiin todobaadyadii ugu dambeeyay kooxda Real Madrid ayaa isku dayday in ay ka afduubato saxiixa xiddiga.

Inkasta oo ay sidaas jirto hadana wargayska Sport ayaa sheegaya in uu Neymar xiddigaha Barcelona u sheegay in uu kaliya doonayo in uu ku soo laabto Camp Nou xagaagan.

Si kasta ha ahaatee 27 jirkan ayaa la sheegayaa in uu ka xanaaqsan yahay dadaalka ay Barcelona ku doonayso saxiixiisa xagaagan.

Isaga oo aaminsan in ayna wali samayn dadaal dhab ah oo ay ku hesho adeegiisa dibna ugu soo celiso xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *