Ciyaaraha

Bournemouth &Manchester City – Sky Blues Oo Raadinaya Guul Ay Kaga Soo Kabtaan Bar-Bardhacii Tottenham, Shaxaha Macquulka Ah & Faah-Faahinta Kulanka.

Manchester City ayaa kulanka saddexaad ee horyaalka Premier League booqanaysa kooxda Bournemouth oo ay haatan dhibco wadaag yihiin isla markaana ay kaliya Sky Blues kaga horreeyaan farqiga goolasha.

City ayaa kulankan ciyaaraysa iyada oo bar-bardhac kala soo kulantay kooxda Tottenham toddobaadkii hore waxaana ay raadinayaan inay kasoo kabtaan dib u dhacaas iyaga oo ka warqaba inay sagaal dhibcood tagtay kooxda ay tartanka ugu weyn kula jiraan ee Liverpool.

Dhinaca kale kooxda Bournemouth oo todobaadkii koowaad bar-bardhac lasoo gashay Sheffield United ayaa toddobaadkii hore guul kasoo gaadhay Aston Villa oo ay booqatay.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulankan

Bournemouth ayaa qabta dhaawacyo badan oo mudo dheer ka maqnaan doona waxaana dhammaantood kulankan seegaya xiddigaha kala ah David Brooks, Arnaut Danjuma, Dan Gosling, Simon Francis, Lloyd Kelly iyo Junior Stanislas.

Manchester City ayuu kulankan ka maqnaan doonaa daafaceeda John Stones balse waxa taam buuxa noqday da’yarka uu daafaca bidix u adeegsado Pep Guardiola ee Oleksandr Zinchenko kaas oo la arkay isaga oo dhitunaya dhammaadkii kulankii Tottenham.

Leroy Sane oo dhaawac mudo dheer ah qaba ayaan la filayn inuu soo laabto sanadka cusub ka hor halka Benjamin Mendy oo mudo dheer kaddib tababarka kusoo laabtay aan lagu halis galin doonin ka qayb qaadashada kulankaas.

Shaxda Macquulka ah Ee Labada Koox

Bournemouth: Ramsdale; Smith, Steve Cook, Ake, Daniels; Surman, Lerma; Harry Wilson, King, Fraser; Callum Wilson

Man City: Ederson; Walker, Otamendi, Laporte, Zinchenko; De Bruyne, Rodri, David Silva; Bernardo Silva, Aguero, Sterling.

GAROONKA: Goldsands Stadium

WAKHTIGA: 4:00 Galabnimo ee wakhtiga geeska Africa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *