Wararka

Siyaasiyiin mucaarad ku ahaa maamulka Jubbaland oo lagu qaabilay madaxtooyada Kismaayo

Hogaamiyaha iadoortey doortay ee dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa xalayto ku qaabilsay qasriga madaxtooyada ee magaalada Kismaayo siyaasiyiin ay kala aragti duwanaayeen.

Cabduqaadir Cabdiraxmaan Khaliif iyo Shiik Maxamed Ibraahim Shakuul ayaa ka mid ahaa shaqsiyaad dhaliili jiray Axmad Madoobe iyo hanaanka uu u doonayo in ay doorashada u dhacdo waqtigii Ololaha.

Balse siyaasiyiintan ayaa sheegay in wax waliba ay uga tanaasuleen midnimada iyo wadajirka shacabka  Jubbaland.

Hogaamiye  Axmed Madoobe ayaa dhanka kale fikrado wax ku oola ah ka qaatay xubnahaan waxaana uu sheegay in uu dhaqan galin Doono.

Kulankaan ayaa ku soo aadaya iyadoo Magaalada Kismaayo ay maalmo ka hor laba Hogaamiye oo kale lagu doortey halkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *