Wararka

Dalalka Afrika oo muwaadiniintooda uga digay rabshadaha Koonfur Afrika

Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegaya in shan qof lagu dilay weerraro ajaanib nacayb ku salaysan oo socday muddo saddex maalmood ah oo ka dhacay magaalada Johannesburg iyo magaalooyin kaleba.

Ugu yaraan 80 ruux ayaa ilaa Isniintii lagu xiray magaalada Johannesburg, ka dib markii ay dad rabshado sameysanaya bililiqeysteen dukaamo, gawaarina dab qabadsiiyeen.

Dowladaha kale ee Afrika ayaa soo saaray digniino ay muwaadiniintooda uga jeedinayaan qalalaasahaas.

Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa, rasaasta cinjirka ka sameysan iyo bambooyinka lagu suuxo u adeegsaday si ay u dajiyaan rabshadaha.

Qalalaasaha ayaa sidoo kale sababay in dad kooxo isku baheystay ay weerarro ku bartilmaameedsadaan gawaarida xamuulka ah ee ay wadaan darawaliinta ajaanibta ah.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa cambaareeyay boobka iyo waxyeellada inta badan loo geystay dadka aan u dhalanin waddankaas.

Wuxuu Ramaphosa sheegay in arrintan aan loo dulqaadan karin.

.

Dhanka kale, ururka midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan uu sida ugu adag ugu cambaareynayo waxay uu ururku ku tilmaamay “falalka nacaybka ah”.

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa ergay u diray Koonfur Afrika uu ugu sharraxo “carada ay Nigeria ka qaadday sida loola dhaqmay muwaadiniinteeda”.

Bayaan ay soo saartay safaaradda Nigeria ee Koonfur Afrika ayaa xaaladda loogu qeexay mid la mid ah dal aysan dowlad ka jirin.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in xarumo ganacsi oo ay leeyihiin dad reer Nigeria ah si gaar ah loogu bartilmaameedsaday magaalada Johannesburg, iyadoo dadka u dhashay Nigeria loogu baaqay inay tabiyaan wax walba oo loo geysto.

Safaaradda Itoobiya ee ku taalla Koonfur Afrika ayaa Iyana muwaadiniinta dalkeeda kula talisay inay albaabada isugu dhuftaan meheradahooda ganacsiga, ayna ka fogaadaan meelaha uu qalalaasaha ka jiro.

Dhanka kale, wasaaradda gaadiidka ee Zimbabwe ayaa darawaliin baabuurta xamuulka ee u dashay waddankeeda ka dalbatay inaysan u safrin Koonfur Afrika, ilaa inta ay xaaladdu ka hagaageyso.

Hase ahaatee wasiirka booliska eee Koonfur Afrika Bheki Cele ayaa Isniintii sheegay in waxa socda ay yihiin dambiyo burcadnimo ah, balse aysan ahayn nacayb loo qabo dad gaar ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *