Ra'yiga

Kheyre Oo Tagi Doona Beydhabo Muxuu ka Badali Doonaa ayey kula Tahay Nidaamka ka Jira Halkaasi?

Kheyre ayaa lagu wadaa in uu Gaaro Magaalada Beydhabo Xili Shacabka K/Galbeed u kala jabsan yihiin labo qeybood kuwa ka Careysan wixii halkaasi ka dhacay Xiligii Doorashada iyo waliba Nidaamkii Dadku ka Caban Jireen Oo Tabtiisii Oo kale lagu Celiyey Markale.

Nidaamkan ayaa u dhisan sidii Shariif Sakiin uga huleeley Oo isaga kali Talisnimo ku Caan Baxay iyo Gudoomiye Baarlamaan Oo Isu Ekeysiinaya Hogaan Xigeen Oo Markaasi rinji loogu marinayo in meesha Hogaan Xigeen ka jiro Hadaba Su’aashu waxay tahay Maxaa loo Diidan yahay Shacabka wixii Xaqa ay u lahaayeen in ay qaataan mida kalese waxay tahay yaa meesha loo wadaa waa su’aal kale Oo meesha ku jirta.

Mida kale Oo jirta ayaa ah in Baarlamaanka qolooyinka Shacbiyada ku matala Oo aananba Shaqeyn Oo dhagxaan Camal Meesha fadhiya shacabkuse waxay doonayaan Cadkii ay iyagu Xaqa u lahaayeen.

Uma maleynayo in kheyre wax ka badalaayo lakiinse Xaqiiqadu waxay tahay in aanan Marnaba nidaamku Cadaalada Waafaqsaneyn Maxaa yeeley Horjoogaha runta ayuu iska indha tiraayaa anaguna waxaanu u baahan nahay Cadaalad iyo Nidaam ku dhisan dimoqoraadiyad aanana nina ninka kale Cadkiisa afka laga Gashan .

W/Q :-Madeey Xaaji  home fcb

Qof walba waxaa uu xor u yahay fakerkiisa taasi ma ahan mid ka turjumeysa Shabakada Hareerley  amaba ay la qabto inagu waa aan soo bandhignaa oo kaliya mana la qabno shaqsigaa fekerkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *