Ra'yiga

(Warbixin):-Waxaa Durba isa Soo Taraya in Dhaqdhaqaaqyadii Horudhaca doorashooyinka 2020-21 Biloowdeen .

Waxaa in Badanba Shacabka iyo Xisbiyo Badanba ay Sugayeen Sidii ay Kaambeynkooda ugu Gadi Lahaayeen Shacabka Soomaliyeed.

Waxaan Arkeynaa in dhaqdhaqaaqyo Xoogan durba biloowdeen haddii ay Noqoto Madaxda iyo Xildhibaanadaba ku jira Labada Aqalba Tartankaan ayaa waxaa isku haleeli doono Xisbiyo iyo Waliba Madaxda Dalka ka Taliso haatan kuwaas Oo doonaya in ay dib u soo laabtaan iyo Shacab iyo waliba halyeeyo Soomaliyeed Oo Cusub waji Cusubna sita.

Durbaba Jiirooniyadaan Kaambeynka ayaa Daadyoowga Gobolka Shabeelaha hoose waxaa laga Ilaaliyey in ay aygu Soo xushaan dadkii markaasi kambeynka amaba dhanka Fulinta Maamulka K/Galbeed uga Qeyb gali lahaa  haddii ay Noqoto hogaan Xigeen iyo waliba Xildhibaano Fadhiit ah halkaasi iyagu horey kuraasta u soo Gatey oo aanan waxba lagu Aami karin iyo Gudoomiye Baarlamaan Oo laba Jedo doonaya isagoo ka mid ahaa Maamulkii hore ee dhiigya cabka ahaa,

Sababta loogu Sameeyey Waxa lagu Sameeyay Shacabka Shabeelaha hoose ayaa ah in laga ilaaliyo in ay iyagu ka mid noqdaan in ay ahaadaan kuwa la socon kara miiska wax lagu qeybsanaayo amaba dhanka Saxiixyada haddii ay noqoto meelaha Go’aanka Lagu Gaaraayo.

Ilaa iyo haatan ayaa iyagu waxa aad moodaa kuwa ku qanacsan sida Xaalku ku socdo iyo Cirbado badan ee lagu dhufanayo si loo dajiyo kuwaas Oo ku Saabsan dhanka Doorashooyinka hadhowna Goortii kursiga loo doortana meel leysaga tuuro maanu diidanin Xildhibaanayada lakiinse waa in la Xisaabtamaa.

Haddii aanu dib u jaleecno sida ay ku yimaadaan Madaxda Federalka u Fadhiya maamulka ayaa iyagu ah in Maamulka soo doorto ka dibna ay federalka u soo gudbaan hadii ay timaado qof iyo Codna shacabka ayaa ah iyagu kuwa Awooda Badan leh Oo dooranaya qofkii ay iyagu Markaasi u Rabaan amaba doonayaan,

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa mas’uul ka ah ayaa la yiri Gobolka Gudoomiyaha ayaanan dooneyn in hogaan Xigeenka ahaado Oo ka Tanaasulo Xilka Gudoomiyenimo tahayna iyadu mid aanan ku Saleysneyn hanaan dimoqoraadiyadeed in qofku labo jego isku heysto.

Hadaba Su’aalo Badan ayaa halkaasi la’iska weydiinayaa kuuwaas oo kala ah,

1- imisa qoonda ah Ayey ku leeyihiin Shacabka Sh/hoose qeyraadka Shidaal Ee Badooda amaba dhukooda lagala Soo Baxaayo waa hanaanka Wadaaga Qeyraadkooda, Go’aanse malaga weydiyey hogaamiyha maamulka K/GS?

2-Sideebaa ayuu maamulka naftirkiisa xitaa u qeybsanayaa qeyraadka laga heley K/Galbeed,Sharuuc ku aadan Arimahaasi Qeyraadka ah malagla Xaajoodey oo ma sameysan yihiin?

Haddii Gudoomiyaha Baarlamaanka isagu ka Mas’uul  yahay Shacabka Gobolka Shabeelaha hoose Xildhibaanada Gobolka ee maamulak k/g Waa in ay isaga la xisaabtamaan Gudoomiyaha helaana Sh/hoose Ceymis dhab ah Oo dhanka Maamulka ah Xisaabaadka,qoondooyinka Sahacabku ku leeyahay halkaasi haddii ay noqoto shaqooyin,Garoomo,jidadka,Biyaha ,Caafimaadka,waxbarashada iwm waxaa soo idil waxa shacabka usoo dhixinaaya waa Xildhibaabada ka soo jeeda Gobolka ileen kuwa idinsoo dooranaya waa shacabka iyaguna waa in aad u Adeegtaan .

Waxyaabahaasi oo idilba shacabka ayey ka imaanayaan awoodana shacabka ayaa iskaleh.

W/Q:=Yuusuf home fcb

Qof walba waxaa uu xor u yahay fakerkiisa taasi ma ahan mid ka turjumeysa Shabakada Hareerley  amaba ay la qabto inagu waa aan soo bandhignaa oo kaliya mana la qabno shaqsigaa fekerkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *