Ciyaaraha

Ciyaaryahan Eden Hazard oo u rumoowday riyadiisii

Riyadii Eden Hazard ee ku aadan inuu noqdo saxiixa ugu weyn kooxda Real Madrid ayaa ugu danbeyntii rumowday xagaagan.

Xiddiga reer Belguim ayaa loo ogolaaday inuu ku biiro kooxda Los Blancos, oo bixisay qiimo 90 milyan ginni markii ay kala soo wareegayeen kooxda Chelsea.

Waxa uu ka tagay Stamford Bridge isaga oo uu u rajeynayay wanaag qof walba oo ka tirsan Chelsea ka dib markii uu siiyay Blues toddobo xilli ciyaareed oo xusuus mudan.

Ku dhawaad 50,000 taageerayaal Real Madrid ah ayaa u soo dhoweeyey si qurux badan horaantii xagaagan markii lasoo bandhigayay.

Kani wuxuu ahaa saxiixa riyada ee Madridistas badan ay doonayeen. Hazard waxaa lagu doodi karaa inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiican Premier League;

Xiddig heer caalami ah oo leh tayo uu ku dhiiri geliyo naadigiisa cusub ayaa ku faani kara inuu ku guuleystay tartamada ugu sharafta badan kubadda cagta.

28-jirkan, oo xiranaya lambarka 50-aad ee Madrid, ayaa saameyn wanaagsan ku yeelan kulankiisii ugu horreeyay ee uu ka horyimid Bayern Munich horaantii bishaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *