Ciyaaraha

Maxaa ka jira in Neymar uu dib ugu soo laabanayo kooxda Barcelona?

Halyeeyga Barcelona Samuel Eto’o ayaa ka hadlay wararka xanta ah ee la xiriirinaya Neymar Jr inuu ku laaban doono Camp Nou, isagoo sheegay in intaas haddii ay ka dhacdo suuqa kala iibsiga qof walba ku farxi lahaa

Barcelona ayaa heysta ‘saxiixa ugu fiican xilli ciyaareed kasta oo ah Lionel Messi sida uu shaaca ka qaaday halyeygooda reer Cameroon.

Neymar ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Barcelona iyadoo ay ugu wacan tahay warar sheegaya inuu ku jahwareeray nolosha Paris Saint-Germain.

Xiddiga reer Brazil ayaa afar xilli ciyaareed oo guulo leh la qaatay kooxda reer Catalan ka hor inta uusan rikoorka adduunka ugu qaalisan oo aheyd 222 milyan euro ugu wareegin kooxda heysata Ligue 1 ee PSG sannadkii 2017.

27-sano jirkan ayaa xiriir adag la sameesay weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe waqtigiisa caasimada Faransiiska, waxaana labada nin ay ka caawiyeen PSG labo horyaal oo isku xigta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *