Ra'yiga

Madaxweynashii hore Ee Soomaliya Oo dhaqan Qar Iskatuurnimo ku Socda.(Akhriso)

Madaxweynihii hore soomaliya Sheekh Shariif Oo maanta Go’aansadey in uu u duulo Kismaayo Xanibaadna laga saarey in halkaasi u duulo.

Madaxweynayaashan hore ayaa la soo baxay dhaqan qar iskatuurnimo ah ayaagoo doonaya in ay u gacan dhafaan dowlada sharciyada ayku soo Rogey Maamulka kismaayo ee Maxaasta ku leynaya jubda hoose isagoo fulinaya dano Shisheeye.

Jahwareerka ka taagan Maamulka jubadahoose ama loogu yeerey Jubaland ayaa waxaa ka taliyey Madaxweynihii hore ee Soomaliya  Xasan Sheikh Maxamuud Oo markii la dhisayey isaga ka fiirsadey danahiisa khaaska u ahaa maantana Siyaasado kale lasoo baxay.

Madaxweynayaashaan hore ayaa kuwo qaar waxaa dabada ka riixaya Dowlada Kenya oo iyada geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleysa sidii ay khilaafyo ugu dhex abuuri laheyd Siyaasiyiinta Soomalida.

Madaxweynayaashan hore ayaa iyagu isu heysta in Sharciga uusan qabanin Sharciguna uu yahay midka kaliya Oo ka dhaxeeya Shacabka iyo Mas’uuliyiin horeba qabanayane Cidii ku Xadgubta Danaha Guud Ee Gayiga.

Madaxweynayaashan ayaa ah mid Mushaakilka ka jira haatan soomaliya baday iyo mid isaga madaxweyne ahaa Markii bada soomaliya la gadanayey Hogaaminayey Soomaliya Oo aanan waxba lagu Aaminikareyn haatana Shisheeyahana u adeegaya.

Madaxweyne soo noqo amaba xilkale ka soo qabo Soomaliya hadaad doonto haddii aad ka hor timaado danaha guud Ee Gayiaga in leyska kaa qabto waa muqadas.

W/Q Cabduqaadir Saciid home fcb

Qof walba waxaa uu xor u yahay fakerkiisa taasi ma ahan mid ka turjumeysa Shabakada Hareerley  amaba ay la qabto inagu waa aan soo bandhignaa oo kaliya mana la qabno shaqsigaa fekerkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *