Ra'yiga

Maxaa ka jira wararka sheegaya in Sheekh Shariif iyo Aadan Bare Ducaale heshiisyo Qarsoodi ah Galeen?

Waxaa lagu soo waramayaa in sheikh shariif Oo Fadhidiisu u badnaa Dalkaasi kenya Gaar ahaan Magaalada Nayrobi uu halkaasi kula galey heshiisyo qarsoon Gudoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka keynya Aadan Bare Ducaale.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Sheekh Shariif Oo ahaa Madaxweynihii Soomaliya Xiligii Maafiyada ay Saxiixayeen heshiisyada Badda Soomaliya Ee haatan murunka ku jirta uu isaga wax ka Ogaa laakiinse xiligii doorashooyinka ka socdeen Soomaliya uu dafirey sabab kalena meysan jirin ee waxaa lagu jirey Xili Doorasho.

Sheekh Shariif Oo Dafirey in wax ka Ogaa Xiligii heshiiska la saxiixey Ogaana lakiinse Diidey ayaa Wadahadalo Qarsoodi ah iyo mid Taleefoonaba kaga qeybqaatey Sidii dowlada haatan jirta Ee Soomaliya loo maja Xaabin lahaa amaba loo dhabarjabin lahaa madaama mowqifyadeedu Adag yihiin,

Sida aanu Ogsoonahay Dowlada FS ayaa Xanibaad ku soo rogtey jubaland ee dhanka hawada ah iyadoo Markaasi ka Eegeysa dhanka Amniga Guud Ee Soomaliya amaba Jubaland.

Heshiisyadaan ayaa ku Saleysnaa in dowlada FS la Ogoleysiiyo in Axmed dhuxuleyste uu yahay Qof si sharci ah ku guuleytey taageerana ay u muujiyaan taas Oo haddii la helo laga guuleysan karo Dowlada FS iyadoo Jaajuuska heshiiskan la galey Shariif Ogaa in iskudhac iyo waliba khilaaf siyaasadeed Oo weyn halkaasi ka imaanayaan waa Sida Shariifka isagana arintaasi Qaafil ka ahaa sida haatanba taagan..

Dowlada kenya ayaa ilaa iyo haatan waxaa aysan marnaba ka daaleyn in ay dhankasto kaga timaad Soomaliya iyada Oo Eeganeysa Cidwalba Oo u Adeegi karta.

W/Q Jamaame Online News home fcb

Qof walba waxaa uu xor u yahay fakerkiisa taasi ma ahan mid ka turjumeysa Shabakada Hareerley  amaba ay la qabto inagu waa aan soo bandhignaa oo kaliya mana la qabno shaqsigaa fekerkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *