Wararka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka K/Galbeed Oo Beydhabo Dib Ugusoo Laabtey:-(Sawiro)

Guddomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/qadir Shariif Sheekhuna Maye , iyo Wafdi Hogaaminaayo ayaa Maanta Dib ugu soo laabtey Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Baay , Dib Safar shaqo ugu maqanaa Caasimadda Dalka

Soomaaliya Muqdisho. Waxana Goroonka Diyaaraha Shaati Gaduud Ku sodhaweyay ,Guddomiye Kuxigeeenka Labaad Ee Gollaha wakiilada KG , Wasiiro Iyo Xildhibaano Ka tirsan Dowlad Goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya.

Soodhaweyn Ka dib wafdiga Guddomiyaha Ayaa waxaa loo soo galbiyay Xaruunta Madaxtooyada KG halkaasi oo Kullan Is Xog wareysi ah kula Qaatey Xildhibaanada Iyo Guddonka Baarlamanka KGs.

Guddomiyaha Ayaa Safar Shaqo Maalmo Qaatey ugu Maqanaa Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka , Halkaasi oo Kulamo kala Duwan uu kula soo qaatey Madaxda Sar sare Ee Dalka Soomaaliya.

Image may contain: 1 person, standing, beard and outdoor
Image may contain: 4 people, people standing and outdoor
Image may contain: 5 people, people smiling, outdoor
Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and outdoor
Image may contain: 2 people, people standing and outdoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *