Wararka

Dowladda FS Oo ku dhawaaqeysa Guddiga dib u heshiisiinta Jubbaland

Wasaaradda Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhisi doonto Guddiga dib u heshiisiinta beelaha maamulka Jubbaland ka dib markii Wasaaradda ay soo saartay Habraaca doorashadda Jubbaland ee Muranka badan ka taagan yahay.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya waxa ay sheegtay in Guddiggaan uu qeyb ka noqon doono qorshe Ballaaran oo lagu wajahaayo Xaaladda Cakiran ee deganada maamulka Jubbaland.

Waxaa ay sidoo kale tilmaamay in Guddigga uu ka shaqeyn doono soo aruurinta Ergooyinka ka qeyb gali doona Shirka dib u heshiisiinta beelaha maamulka Jubbaland.

Go’aanka cusub ee kasoo baxay dowladda ayaa wali Jubbaland wax war ah kama soo saarin, waxaana xusid mudan in dhawaan ay dhici doonto Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *