Uncategorized Wararka

Dowlad FS Oo Digniin Culus u Dirtey Maamulkii hore Ee Jubaland

Xukuumada FS ayaa digniin adag u dirtay maamulkii hore ee Jubbaland, waxaana ay sheegtay in tilaabo laga qaadi doono hadii ay isku dayaan in ay hor istaagto qorshaha cusub ee dowladdu ku wajaheyso degaanada maamulka Jubbaland.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in qorshaha cusub ee soo xulista baarlamaanka Jubbaland iyo doorashada Madaxweynaha Jubbaland Cidii ka hor timaada ay diidan tahay Nabadda.

” Cidkaste oo si kulac ah u hor istaagta qorshaha nabadeynta iyo maamul dhisidda waxaa loo aqoonsan doona Caqabad nabadda hor taagan waxaana lala tiigsan doona Sharciga” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Khilaafka ka dhex taagan dowlada dhexe iyo maamul goboleedka Jubbaland ayaa sababay in dowladda Soomaaliya ay xayiraad saarto Magaalada Kismaayo, taasoo ay kala kulantay falcelin aan wanaagseyn oo bulshada kaga timid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *